Film-ka MS Dhoni: The Untold Oo la Mamnuucay

Bulsha:-  Kadib markii maalmo ka hor xisbiga MNS ee gudaha Hindiya ka dhisan dalbadeen in mudo 48-saac jilaayaasha reer Pakistan gudaha Hindiya kaga baxaan haatan dowlada Pakistan iyadana talaabo ayay qaaday.

Dhamaan shirkadaha filimada qeybiyaan ee gudaha dalka Pakistan ka dhisan ayaa isku raaceen in filimka la wada sugaayo MS Dhoni: The Untold jimcadaan laga daawanin gudaha Pakistan.

Shirkada caanka ah ee cajaladaha filimada tiyaatarada u qeybiso ee gudaha Pakistan laga leeyahay IMGC Global Entertainment gudoomyiyaheeda wuxuu yiri “Xaalad kacsan ee haatan ka dhex taagan Pakistan iyo Hindiya waxaan go’aan ku gaarnay inaan gudaha Pakistan laga daawanin filimka MS Dhoni: The Untold”

Pakistan waa suuq filimada Bollywood-ka ganacsi wacan ka sameeyaan sidaa darteed filimka MS Dhoni: The Untold ee Sushant Singh Rajput hogaamiyaha ka yahay ganacsigiisa waa laga dareemi doonaa marba hadii Pakistan laga daawan doonin.

Sidoo kale maxkamada sare ee magaalada Lahore ku taalo waxaa la geeyay dacwad ka dhan ah in filimada Bollywood-ka aan gudaha Pakistan laga daawanin ilaa dhibaatada Hindiya iyo Pakistan ka dhex taagan gobolka Kashmir xal loogu helaayo.

Waxaana la sugayaa go’aanka ay maxkamada Lahore qaadan doonto hadii la hirgalaayo mamnuucida daawashada filimada Hindiga ah gudaha Pakistan iyo in kale.

Pakistan iyo Hindiya ayaa haatan xiriirkooda xumaaday kadib markii todobaadkii hore 18-askari oo ciidamada Hindiya ka tirsan qarax lagu dilay magaalada Uri ee gobolka Kashmir xero militari oo ku taalo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment