Ma taqaana waxa laga wado Single Mother?

Bulsha:- sanad wanagsan waxan filaya goor dhow waxa noo dhalanaayo sanadkii 2012 ka wa layaab dad aya waxa is weydiinayan sanadka miya orda mise bisha aya dhaqsa ku dhamata hadaba ogow waxa lagu jira aaqir samaankii lasheegi jiray waayo dunida aan ku dul noolnahay waqtigii lagu tala galay weyna so qadanay hadaba dadweynow ku dadala sidii aad ku sameyn lahayn jaceyl ama wada noolanshi wayo dunida inta aad ku nooshahhay waxa u baahantahay nolol hadaba kuso dhowaada sheekadii lamagac baxday.

(( Ma taqaana waxa laga wado Single Mother?))
qoraaga weyn abubakar mohammed hassan mr qurbaani ka bogosha wacan kuli sanah wa inta dayibah .

hooyo ku sugan dalka swedan qaasatan goterborg aya lakulmay maalin anigo tareen saaran ayan ku dhex arkay iyado ku dhibaataysan tareenka dushiisa iyado ay wadatay 2 caruur oo aabo la,aan markii aan uso dhawaaday ayan waxan ka wareystay xalada ay ku sugantahay waxayna iigu shegtay xaladeyda mid aad iyo aad u cakiran waayo hada waxa bilowday winterkii dalkii oodhan wa wada baraf runtii nolosha ay ku jirtay anigo ah mr qurbaani aad ayan uuga qiirooday waxana ka codsaday in ay noloshayda dhabta ah iiga shegayso madama aan fursad weyn u haystay waxan so qaatay qalin iyo buug waxan bilabay shaqadayda oo ahayd in aan singale mother hooyo ah oo aan maanta lakulmay iigana ogolaatay in ay noloshayda wax iiga shegto waxayna ku bilowday sidatan .
runtii waxa tahay wiil fiican sidaas daraded ayan ku ogolaaday in aan sheekadayda wax ka sheego lkin waxan ku weydiina adiga qora miya tahay mise wariye madax banaan runtii sikastaba ha ahaate wan ku shegaya aniga magacayga wa seynab lakin wadankaan markii aan so galay ayan magaca iska bedelay waxan la baxay raxmo runtii wadankaani waxan so galay 2007 bishi 6 ayan so galay anigo so maray marxalado kala duwan waxana usabab ahay in aan tahriib noloshayda so galiyo marki aad fiiriso wadankayna hooyo malinta malinta kasi dambeyso ayu xumanaya waxana somaray dhibaato aad uweyn o aan halkaan kuso koobi karin.
muqdisho ayan degana qasatan xaafada kaaran waxan lanoolay walidkayga aabahayga iyo hooyadayda o aad ii jeclaa noloshaydana waxan ubaahna wa la ii siin jiray noloshaydana waligay dhibaato kuma arag lkin waxa xaqiiqa ah marki aan somali kaso tagay 2006 kii oo aan uso bareeray dhanka tahluukada runtii tahriib marki aad maqasho wa tahlusha aya dhagahaaga kuso dhacayan waxan imaday dhanka ithobiya marki aan imaaday xafada boole aya kuso degtay oo meshan degan ii noqday intii aan ithobiya jogay meeshii ayan isku baranay wiil joogay xaafadas o magaciisa ahay fahad wa wiil fican runtii intii aan boole jogay asiga aya waxwalba iiqaban jiray lakin wuxu ahay in dan gooni ah iiga laahay lakin aniga midasi dhug uma lahayn.

kadib waxa dhacday in muqalaski aan sugaynay in uu habeyn habeenada kamid ah anigo jiifo in uu saqda dhexe ii imaaday oo idhahay cawa aya baxaysa isla waqtigan diyaar garow sacad kadib ayan kuso labana anigo wato taxi kadib wuu i imaday nasiib wanag aniga iyo fahad isku waqti ayan noqonay baabuurkii ayan isku aragnay safarki ayan si wadanay runtii safarka ma aysan ahayn safar sahal ah waxa laso marayay xuduudii ithobiya adigo usii gudbayso xuduuda suudaan waxa maraysa wado aad u raf ah u silac ah habeynki odhan ayan lug ku jirnay ila waaga uu ka baryo waxa mooda in la garay malinti qiyaamo.

alxaasil waxa so garay qartuum iyado moodo in ay nafta naga baxday sidi aan uso soconay waxan imaanay qartuum markasi aya nafta nagu so noqotay habeynki koowad oodhan wan jiifay ilaa maalintii 2aad kadib ayan is aragnay fahad anago moodo in aan u ekaanay dadkii wadanka degana cml kadib wada hadal ayan bilownay aniga iyo fahad wuxu iiga codsaday in uu jaceyl ii qaday ila waqtigi ila waqtigan u ijecelyahay anigana kama diidin wan ka aqbalay waayo waxan ahay qof kaligiis ah ilaa aan kaso qaangaaro wax jacyl ah ama wax xiirir ah maba sameyn waligay intaan muqdisho jogay waayo waxan iska ahay ciyalka xaafada.
kadib waxan bilownay in aan dadka kale aan kala dhexbaxno o si gooni gooni ah isku raadsano alxaasil waqti dheer noguma qadan ilaa 2 bilood ayan ku sugnayn suudann kadib waxan garay in aan ku aqal galno sida ay soomalida u taqan qudbo siro runtii aniga wan maqli jiray heblaayo aya nin qudbo siro uraacday lkin aniga ayay maanta igu dhacday iyado walidkay ogayn ayan nin qaatay tasna sababta aan u sameyay maba aqan waayo asbaabihii aan wadanka uugu so haajiray weli maba garin weli waxan dhex dabaalanaya afrika iyado weli meel ii dhoweyn ayan nin qarsaday hadiiba aan shegi lahay weyba iidhacan lahayd.
iyado taas jirto aya fahad isku daya marwalba in uu inaagaysto anigana inta badan wan ka diidi jiray waxan dhihi jiray waxan adiga aya iska leh markii aan meel fican gaarno hano ahaato lkin taas aniga wan ku guul dareystay habeyn habenada kamid ah ayuu shilqool iidhigay anigana habeynkaas shilqoolkaas wan ka baxsan wayay iyado usabab noqotay inn aan miir beelo kadib liiga suubsado wixi uu damacsanay habeyn kas ayay gabarnimadayda udhamaatay kadibna waxan noqonay nin iyo naagtiisa mudo kadib waxan qaday uur uurkaso uqaaday fahad kadib anigo xaamilo ah ayan liibiya imaaday kadib liibiya ayaa gabar ku dhalay kadib fahad isma so racin sababtii uso bixi wayay kolay ma aqan kadib wuxu idhehay aniga maso baxayo wayo walidkay wey idiideyn in aan safarka si wato hadana waxan raba in aan ku furo hadana labo dalaaq ayan ku furay ayuu idhehay telkana wuu iigu damiyay anigo yaban o wax la,aan ihayso aya hadana furiin iigu daray.
waxan iska haystay gabartayda hadana anigo yaban aya hadana noloshayda markale kuso biiray wiilkale oohadana sidaso kale garab weyn isiyay waxwalba ubaahanahay ii qaban jiray wiilkaaso lagu magacaabo abdi inkasto nimanka laga marman tahay aya hadana noloshada si sahal ah kuso biirayan hadana waxa dhacday in abdi i jeclaado lkin xanaqi fahad u qabay ayan marwalba kala dhaca asigana waxba uma arka kolay nin dan la madaalo hore aya lo yiri alxaasil abdi iyo aniga isku doon ayan noqonay waxan imaaday italia ayan galnay farahii aniga wan ka badbaaday wayo marki aan so galay isbitaal ayan dalbaday anigo ul a jeedo in aan faraha ka baxsado hadana marki aan banaan ka isku aragnay abdi ayan go,aan ku garay in aan hadana is guursano talyaaniga ayan ku aqalgalnay marlabaad meeshi ayan degnay aniga shaqo ayan bilabay mudo kadib hadana uur kale aya iigu so baxay anigo uurkas hadana u qaaday ninki abdi ahay anigo 7 bilood ayan kaso tagay talyaaniga waxan so galay wadanka swedan waxan sheegtay in aan ahay single mother ilmahana abahood wanba dilay anigo dantayda garin nin dambo maba rabo swedan ayan sharci ka qaatay deganansho ayanba ka dhigtayy swedan mudo kadib waxa iso radiyay abdi.
marki aan ushegay arinti wu qadan wayay sabab maxa sidaas usameyay ayuu idhahay anigana wan ka diiday in aan shegto asigana wuu i furay wuuna iga dhaqaajiyay anigana waxan go,aan ku garay in aan nin dambe guursanin aan korsado labadayda caruur inkasto single mother ay dhib badantahay subixi schoola aya aadaysa caruurta aya kicinaysa wax garab ku siinayo malahana kaliga waye aya guri weyn lagu siina qof ku wehliyo malahan ilmihi aya gari ku jiidaysa wala silcaysa wna rafaadaysa runti single mother sahal mahan nolshayda xita habeynkii marki ay caruurta ka sexdan kaliga aya guriga jogayso wax ku shegaynayo malahan treen aya racaysa gariga wax kuso qadayo malahan mamarka qaar nimanka gaalada aya ku sacidayan niman badan aya i imaday ayago i raban aniga diiday wayo nin wuxu yahay hore ayan uso arkay.
wax faaiido maleh kuli wa isku mid raggo dhan wa danayste dantooda marki ay ka garan dhulka ayay ku jiidan anigana waxan go,aan ku garay inaan caruurtayga korsado wan ogahay in ay aabo ubaahanyihin lkin aabo o swedan jogo aabo la,aan aya dhaanta runtii marki an swedan imaaday aad ayan u cidlooday hadana waan la qabsaday runtii nolosha marmarka qaar waxay ku tusinaysa wajiyaal badan sidi aya nolosha kula qabsaday rafaadki aya ilmahayga ku koreyn iyago aabo la,aan ah wayo dunida intad ku nooshahay waxa fican in aad so dhibaatodo wayo hadi kale wax garad maba noqonayso mana laga yaabo in aad nolosha laqabsado hada fiiri aniga maxa iiga maqan wan cuna wan caba carurtaydana caruraha kale uma xuma in ay ka wanagsanyihin maahine single mother runtii wa shay wadanka yurub kuso badanaayo.
waxana usabab ah iyado ay keentay raggii in ay is bedelayn naagihina ka si daran ya lays aminin aya ka dhacday markaaas aya keentay in an wadankaan ku noqono single mother mr qurbaani runtii aniga majeclayn in aan sheekadayda cid uuga sheekayo lkin adiga maanta wan ka shegayay mana aqan waxa usabab ah mahadsanid taas waxay ahayd walashayna qaaliga ah seynab o ku sugan dalka swedan oona ah single mother hooyo ku dhibaataysan dalkaani runtii single mother aad ayay uso badanayan anigo ah mrqurbaani maalin walba ayan waxan ku arka wadooyinka ayago treenka sugayan hadana wadankii aad ayuu u qabowyahay ilmihii gaari ayay ku jiran midna gacanta ayay ku haysa marmarka qaar wuu ka carara iyadana wey so qabata bal fiiri single motherka dhibatada haysata waxana usabab ah dalkii oo lo noqon karin wlhi aad ayan uug aqiirooda markii aan arko single mother o dhib haysta intaas aya kuso gabagabayna mowluucayna maanta aan ka hadlayay waxana qalinka uqaatay
((( abubakar mohammed hassan mr qurbaani kulanti dambo o xiiso leh happy new year 2012))
kala so xiriir abubakar65@hotmail.com ama qurbaani2012@hotmail.com







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment