DHOOF JACEYLU DARANAA ALLAHAYOW (QEYBTII Koowaad)

Bulsha:- Dhoof jaceyl u daranaa alahayow Ma igu dhegey anigu ma ila dhacay warmaha Siduu ii dhugsadey ima dhigin dhulshisheeye ila aad
Dhanaa iima dhaafinee dhuuxiyo lafdhabartuna wadnuhu dhexyalaa
===============================================
Waa qiso dhab ah kana dhacdey magaalada burco ee somaliland waxeyna u dhaxeysaa lamaaniyaasha lagu kala magacaawo amran iyo iimaan dubad
Amran ayaa xariir la soo sameysey bahda websit-ka ayadoo ku suganeyd magaalada burco kadib markii uu booqasho ku tagey qoraaga arimaha jaceylka ee websit-ka http://www.nololcusub.tk

Ee ***qalbijaceyl***
amran ayaa qoraaga kula kulantey goob uu kula kulmijirey dhalinta xiiseysa arimaha jaceylka
barasho iyo kaftan dheer ayaa amran waxey ka codsatey in laga qoro musiibo jaceyl ku habsatey kadibna uu ka codsadey qoraaga iney uga sheekeyso sida ay wax u dhaceen asigoo cod ahaan uga duubaayey xiligaasi

amran ayaa ka sheekeyneysa sida ay wax u dhaceen ayadoona mahadcelin weyn u soo jeedisey bahda websit-ka nololcusub.tk waxeyna tiri sida tan :
Aad baan idinkaga mahadcelinayaa sida wacan aad dhalinyarada jacel arimaha jaceylka sida wacan aad uga xaqabtirteen sheekooyinka xiisaha leh
Qalbijaceyl aad ayaan ugu faraxsanahay imaanshaha aad timid magaalada burco waxaan ku leenahay hadaanu nahay akhristiyaashaada gacmo furan ku soo dhowow

Walaahi inbadan ayaan idin sugaayey misane aan jecleystey inaad fariintaan aad ii gudbisaan lkn adiga iyo abwaanada kale midna iskuma haleelin internetka. Hadaba mahadcelin kadib amran ayaa guda gashey halka ay ka bilowdey iyo sida uu idlaadey jaceylkeeda.

Anigu waxaan ku dhashey magaalada hargeysa 6sano ka hor ayaan burco u soo wareegney aniga iyo familkeena magaalada burco
Kadibna waxaan bilaabey inaan magaalada burco ka bilaabo wax barasho waxaan tagey iskuul muddo markaan dhiganaayey iskuulka ayaa waxaa dhacdey maalin maalmaha ka mid ah oona ii ah maalin taariikhi ah markaan ka soo laabaney iskuulka ayaa anigoo dhaxda maraayo waxaa yimid roob dhinac walbo kasoo curtey .

xaafadiina ma dhowa wax aan sameeyo ayaan garan waayey meel ii dhow aan roobka ka galaayo malahan aan ka aheyn guri burburey deetana anigoo iska socda kana cabsanaayo iney buugaagta iga qooyaan ayaa waxaa marqura akteyda soo marey gaari

wuu gudbey markuu wax yer gudbey ayaa gaarigii gadaal loo soo celiyey waxaana la igu yiri walaalo soo fuul gaari roob baa socdee markaas ayaan ugu jawaabey walaal waad mahadsantahay waan qooyanahay ee iska socda anigoo la hadlaayo daraawalkii ayaa waxaa dariishada ee dhinaca daraawalka igala hadley wiil wuxuuna igu yiri hadii aad adiga qooydey beri maxaad iskuulka ku aadeysaa asigoo ula jeeda buugaagta markaas ayaan niyadda iska iri maad iska raacdid fursad baad heysataayee hadana waxaan ka cabsadey dhalinyaro gaari wadato aad adna garaneynin hadii aad gaari la raacdid waxaan is iri amaad wax xun kala kulantaa .

Gaarigii baan raacdey waxey igu yiraahdeen xaafadee degantahay xaafadii baan u sheegey markaas ayuu igu iri isku xaafad ayaanu nahay anagaaba u soconee
Intuu gadaal ii soo eegey ayuu igu yiri barasho wanaagsan anigu magaceygu waxaa la yiraahdaa iimaan yerkaana waa saaxibkeyga qaaliga ah
Wacan oo wanaagsan magaceyga ayaan u sheegey gurigii ayaa la I geeyey markaan sii degey ayaa iimaan wuxuu igu yiri malaha magaalada waad ku cusubtahay haa baan ku iri

Noo soo dhowow ayuu igu yiri iimaana wuxuu ku degey guriga 3aad ee nagu dhegan marka uu gaariga ka degey ayaan dib u milicsadey wuxuu ahaa wiil ilaah u dhameeyey joog jamaal waxaan qalbiga iska iri inantii hesha walle nin bey heshey

Muddo kadib si toos ah ayaan isu baraney waxeynu gidaarada isku salaanaba misana wadada iskaga hor imaanaba si toos ah ayaan isu baraney runtii iimaan markaan arko quruxdiisa iyo joogiisa waxaan ku duceystaa calafkaaga kan oo kale ilaah hakaaga dhigo waxba yaanan hadalka kugu dheereynin
Markaan isku dheeraaney oo aan saaxibadiisa iyo ehelkiisaba aan bartey waxaan ogaadey inuusan laheyn wax xariir ah uusan ka helin la sheekeysiga hablaha

Muddo 3 cisho kadib iimaan ayaa taleefoon ii soo direy wuxuuna igu yiri banaanka u soo bax waxaan rabaa inaan arin kuu sheegee
Markaas ayaan ku iri guriga soo gal maxaad ka cabsaneysaa marka uu guriga soo galey oo aan cabaar kaftan uu na dhaxmarey ayaa wuxuu igu yiri waxaan rabaa inaan arin kuu sheego arintaasi oo ah inaan kaa heley waxaana doonayaa inaan xariirka aanu hadda leenahay mid ka wacan oo ka wanaagsan aan sameyno anigana madaama aan waxba ku weydiin inaad leedahay saaxib
Waxaan ugu jawaabey iimaan walaalo anigu waxaan leeyahay hal saaxib oo kaliyah kaa mid ka wacan helimaayo intuu xogahaa yera aamusey ayuu igu yiri halkuu jogaa kaas nasiibka leh waxaan ku iri saaxibtinimadii aad garaneysey ma ahan cid kalena ma ahan waa adiga mise saaxib kale ayaad sheegeysaa intuu qosley ayuu igu yiri waxaan kaala hadlayaa xariir jaceyl
Maya malihi adigana waan ku soo dhaweynayaa qof adiga kaa wanaagsan oo aan xariir la yeelan lahaa majiree
Hal shey makaa codsan karaa iimaanow
Haaa
Hadii aad qof kale la socotid hadaba ii sheeg ma jecli lugooyada
Walaalo weligeygaba xariir nocaan oo kale ah ma sameyn qofkii igu horeeyey waa adiga oo arimahaan oo kale la hor imaado
Waan farxey runtii

Muddo ayaan wada soconey oo sheekadeenu isku dhaceysey ilaa nalaga ogaado meel walbo ay xitaa ogaadeen waalidiinteena waxaan jaceyl macaan dhex dabaalanaba iimaan waxaan ku balaney inaan nolosha wadaagno aynu noqono hal naf igama diidin wax walbo aan u soo jeediyo igama hor keeni jirin wax aan dhibsanaayo anagoo ku jirna balantii jaceylkeena uu hawadaa sii maraayo ayaa waxaan mar qura ogaadey in iimaan uu leen u xareysan yahay uuna yahay gabagabo oo hadda ka horba mid uu ka qarxey laakiin asiga waxba iima sheegin waxaan is iri iimaan hadey waxaasi jiraan kaama qarin laheyn ee malaha qofbaa rabo inuu iimaan kugu diro waxaan isi iri is deji
bixitaankiisana waxaaba ka dhimanaa wax yer xiligaasiba wuxuu isu qabanqaabinayaa dhankaa iyo itoobiya si uu halkaa uga baxo
Waan aamusi waayey taleefoon ayaan u direy waxaan ku iri hadalka suuqa kugu jiro ma dhabaa wuxuu igu yiri waa sida u maqashey muddo 5cisho ka bacdina waan bixi rabaa itoobiya ayaan aadi rabaa ee sidaasi ula soco.

Waxaan ku iri maxaad igu sheegi weysey wuxuu igu jawaabey wax aan la hubin oo aan la ogeyn sida ay ku danbeyndoonaan maxaa qof looga sheegaa sidaasi awgeed ayaan kugu sheegi waayey ee xumaan kale majirto gacaliso isdeji hadii aan baxana adiga uunbaan kuu maqanahay waqtiga wuxuu isguraba iimaan wuu baxey itoobiya kumaba daahin bil oo kaliyah ayuu joogey wuxuuna qabtey dhankaa iyo ingiriiska .

Maalintaas ayaa igu danbeysey warkiisa
Anigoo yaaban ayaa waxaan maalin u tagey walaashiisa waxaan ku iri iimaan halkee laga helikaraa waxey igu tiri taleefoonkiisa ayaan kusiinayaa hadii aad rabtid
Taleefoonkii ayaan ka soo qortey waana wacey markaan wacey waxaa taleefoonka iga qabtey inan waxaan ku iri waxaan u maleynayaa inaan soo qaldamey ee walaalo raali noqo







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment