Marwada labaad ee Madaxweynaha oo kasoo muuqatay shir caalami ah: SAWIRRO

Bulsha:- Marwada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu magacaabo  Sahro Cumar Xasan ayaa ka qeybgashay shir caalami ah oo magaalada Nairobi ay ku yeesheen marwooyinka madaxweyneyaasha Afrika iyo marwada koowaad ee Japan Akie Abe.

Shirkaan oo hordhac u ahaa shir beri ka ay yeelan doonaan 13 marwooyinka madaxweyneyaasha Afrika iyo Japan, waxaaana looga hadli doonaa maalgelinta caafimaadka, hooyada iyo caruurta iyo weliba horumarinta bulshada

Marwooyinka shirkan ka qeybgalay ayaa waxay kala yihiin Kenya, South Sudan, Uganda, Benin, Cote D ‘Ivoire, Mali, Lesotho, Mauritius, Jabuuti, Sao Tomé Principe, Soomaali iyo Africa Republic Dhexe.


Safarada iyo shirarka caalamiga ah ayaa inta badan waxaa u raacda Marwada koowaad oo lagu magacaabo Qamar Cumar Cali.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment