Daawo: 145 sano jir u dhashay Indonesia oo sheegtay ninka dunida ugu da’da weyn

Bulsha:- Nin u dhashay dalka Indonisia ayaa ku dhowaaqay inuu yahay 145 sano jir, isagoo sheegay in uu diyaar u yahay inuu dhinto isuna diyaarinayay muddo 22 sano ah dhimasho.

Sida ay cadeynayaan dukuminti ay dowlada Indonisia xaqiijisay Mbah Gotho waa 145 sano jir dhashay 31kii December 1870.

Dhammaan carruurtii uu dhalay odaygan ayaa geeriyooday balse waxaa nool oo haatan la nool yahay carruur uu awoowe u yahay kuwaasoo ah carruur illaa shan fac ka soo jeeda.

Haddii sheegashadaan ay sax tahay waxaa uu noqonayaa qofka ugu da’ada weyn caalamka,hase yeeshee waxaa hore dunida ugu da’ada weynaa haweeney u dhalatay dalka Faransiiska Jeanne Calment oo nooleyd muddo 122 sano.


Ninkan sheegtay inuu yahay 145 sano jir ayaa waxaa wareystay Liptun 6 television isagoo ku sugan magaalada Sragen e bartamaha Java dalka Indonisia.

‘Waxa aan doonayo waa in aan dhinto. Carruurta aan awoowaha u ahay dhammaantood waa xor,’ayuu u sheegay Liputan 6. Suryanto, Mbah Gotho oo ah wiil uu awoowe u yahay Gotho ayaa sheegay in uu awoowgii uu isu diyaarinayay dhimasho tan iyo markii uu ahaa 122 sano jir balse illaa iyo hadda waa uu nool yahay.

“24 sano kahor ayaa la qoday xabaashiisii sanadku markuu ahaa 1992.”ayuu sii raaciyay Suryanto. Carruurta uu awoowaha u yahay Gotho ayaa sheegay in uu marwalba dhagaysto raadiyaha maadaama uusan daawan karin taleefishinada sababo la xiriira aragtida oo ku liidata. Mbah Gotho oo la weydiiyay sirta ka dambeysa cimri dhererkiisa ayaa sheegay in ay tahay sabarka oo kaliya.


Shaqaalaha diiwaangelinta dalka Indonisia ayaa xaqiijiyay in Mbah Gotho uu dhashay dhamaadkii sanadkii 1870, sida ku cad warqadiisa aqoonsiga. Hase yeeshee illaa iyo hadda ma cada in loo diiwaangelin doono Mbah Gotho qofka dunida ugu cimriga dheer,maadaama weli si caalami ah aan loo xaqiijin jiritaanka warqada aqoonsiga ee ay dowlada Indonisia ku tilmaantay mid sax ah.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment