Daawo Sawirada:- Gabadha la dhalatay xaaska Tony Blair oo difaacday xirashada xijaabka

Bulsha:- Gabadha la dhalatay xaaska Ra’iisul wasaarihii hore ee Britain Tony Blair oo lagu magacaabo Lauren Booth oo markey Islaamtay loogu yeeray Sarah ayaa difaacday xirashada dharka dumarka Islaamka xirtaan ee xijaabka iyo kan lagu dabaasho ee loo yaqaan burkini, iyadoo tilmaamtay in bulshada kale ee islaamka aheyn aysan wax dhibaato ah u arkin.

Lauren Booth oo ka qeybgashay barnaamijka This Morning ee ka baxa ITV ayaa waxaa hadaladeeda kasoo horjeestay wariyaha kale ee lagu magacaabo James Whale, kaasoo dharka xijaabka ee muslimiinta xirtaan tilmaamay in uu dhibaato u keenayo isu taga bulshooyinka kale ee Islaamka aheyn.Lauren-Booth-james-5
Dood dex martay Lauren Booth iyo James Whale oo surprised ku noqotay wariyada Islaamka qaadatay markuu uu arkay iyadoo xijaaban, waxayna Lauren Booth tilmaamtay in wax walba ay niyada yihiin, muslimiintana wax dhibaato ah u geysan bulshada ay la nool yihiin.


Doodaan ayaa looga hadlayay dhacdadii ciidamo Faransiis ah oo dharka si qasab ah ugu dhigay haweeney xirneyd xijaabta xili ay ku dabaalaneysay xeebta Nice ee dalka Faransiiska.

Lauren Booth ayaa sanadkii 2010-kii qaadatay diinta Islaamta, waxayna door muuqda ku leedahay haweenka Islaamka ee ku nool dalka Ingiriiska.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment