Haweeneey isaga goysay qaybo ka mid ah xubnaha jirkeeda si ay magdhow u hesho: Sawirro

Bulsha:- Haweenay u dhalatay dalka Vietnamese ayaa qiratay in ay ku dhaqaaqday talaabo la yaab leh ka dib markii iyadoo doonaysa inay lacag kaga hesho shirkadaha caymiska ay ku bixisay lacag in laga gooyo qayb ka mid ah gacanteeda iyo catga sida ay xaqiijiyeen Booliiska wadankaasi.

Haweenaydan oo 30 sano jir ah oo lagu magacaabo Ly Thi N waxay tilaabadan lama arag iyo lama maqalka ah u sameysay iyadoo doonaysay inay iska dhigto in tareen uu hirdiyey ama uu jiiray sidaasiana ay ku wayday xubnaha jirkeeda, sidaasi waxaa qoray wargeyska Dadka ee ku hadla afka ciidamada Booliiska dalka Vietnam reports

Haweenayda ayaa markii ay Booliiska ka waraysteen xaaladaha ay ku dhaawacantay si ay dacwadeeda u diiwan galiyaanayaa baaritaankii lagu sameeyey waxaa la ogaaday inay been sheegayso oo aanay galin shil tareen, waxaana ka soo baxday baaritaankii lagu sameeyey inay siisay qof ay saaxiib yihiin lacag gaaraysa $ 2,200 si uu uga gooyo gacanta kadibna ay u sameyso dacwad ku salaysan inay hesho magdhow lacageed oo gaaraya 150,000 oo doolar ,taas oo uu bixin lahaa shirkada ay uga jirto caysmiska shakhsiyadeed.

Qofkii haweenayda xubnaha ka jaray oo magacabiisa lagu sheegay Doan Van D ayaa wuxuu wacay qaybaha caafimaadka deg deg ah isagoo sheegaya in uu ka helay xarunta tareenada ee magaalada Hanoi haweenay dhaawac ah.
Haweenaydan ayaa la sheegay inay lahayd ganacsi cago adag aan ku taagnayn sida ay sheegeen warbaahinta gudaha ee dalkaasi.








_______________________

Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment