Bulsha:- Gisele Marie, waa haweeneey u dhalatay dalka Brazil oo 42 jir ah, waxeey ku waalantahay dhinaca garaacista Kataarka.
Gisele Marie, waxeey kasoo jeedaa qoys Kirishtaan ah, balse iyada waa islaam aabaheedna goordhow ayuu geeriyooday.
Gisele Marie, waxeey hada ku mashquulsantahay duubista Cajil soo bixi doona dabayaaqada sanadkan sii dhamaanaya ee 2016.
Gabadhaan ayaa iyadoo wadata xijaabka iyo indhoshareerka ay gabdhaha muslimiinta xirtaan, waxeey garaacdaa qalabka Muusikada.
Gisele Marie, waxeey ku dhalatay kuna barbaartay magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil, waxeey ka qalin jabisay German Catholics, waxeeyna islaamka qaadatay sanadkii 2009.
Waxeey sheegtay in dadka qaar ay la yaabaan markeey arkaan iyadoo xijaaban misna Muusik garaaceysa, balse waxeey ku adkeeysatay in aysan dhag jalaq u siineyn waxa dadka ay ka sheegayaan ama ka aaminsanyihiin.




_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment