DAAWO:- Nin Hindiya u dhashay oo meydka xaaskiisa garabka ku waday 12km

Bulsha:- Nin danyar ah oo dalka Hindiya ku sugan ayaa maydka xaaskiisa waday 12km kaddib markii isbitaalkii ay ku dhimatay uu ku eedeeyay in uusan ka helin gaari uu ku qaato si uu u geeyo tuuladii uu ka yimid.

Amang oo ah xaaska Dana Majhi’s ayaa cudurka qaaxada ama TB ugu geeriyootay isbitaalka degmada ee magaalada Bhawanipatna iyada oo 42 jir ah.

Majhi ayaa sheegay in tuuladiisu ay u jirto 60km isla markaasna uusan awoodin in uu gaari u kireeyo.

Mas’uuliyiinta Isbitaalkaasi ayaa diiday eedaymahaas iyagoo sheegay in iyadoo la ogeyn uu meydka la baxay ninka qabay marxuumada.

“Haweenaydaas waxaa la dhigay isbitaalka Talaadadii isla habeenkii ayayna geeriyootay. Ninkeeda ayaana la tagay maydkii isaga oon ogaysiinin shaqaalihii isbitaalka” sidaas waxaa sheegay B Brahma oo ah masuul sare oo dhanka caafimaadka ah.


Sikastaba ha ahaatee Majhi ayaa ku eedeeyay shaqaalaha isbitaalku ay ku celceliyeen in uu la boxo mayd uuna xaaskiisa la tagay Arbacadan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment