Bulsha:- Ciidamada boolis Faransiiska yaa si qasab ah dharka uga dhigay meel fagaare ah haweeney Muslimad ah oo xirneyd dharka asturan isla markaana u xijaabnaa madaxa xili ay ku sugneyd xeebta Nice.
Haweeneydaan oo magaceeda ku sheegtay Siam ayaa lagu amray in ay bixiso dharka xijaabka ah si ay ula mid noqoto dadka xeebta ku sugnaa, waxaana la sheegay in la dul dhigay ganaax lacageed.niqaab-france-1
Dalka Faransiiska ayaa ka mamnuuc ah xijaabka asturnaanta ah ee Islaamka xirtaan, iyadoo arintaasina ay ka horeysay weeraradii argagixiso ee kooxda ISIS ka fuliyeen Faransiiska.
“Waxaan la joogay qoyskeyga xeebta,”ayay tiri Siam oo 34 sano jir ah “Waxaan xirnaa dhar caadi ah oo madaxana aan ku daboolay qorshahayguna ma ahayn in aan dabaasho.”ayay tiri gabadhan.
Qof goobjooge ah oo goobta ku sugnaa ayaa sidoo kale ka hadlay dhacdadan oo yiri;“Arrinta ugu murugada badneyd waxa ay ahayd markii dad goobta ku sugnaa ay ku dhawaaqeen’Ka tag meesha oo gurigaaga ku laabo’ halka qaar kalana ay u sacbinayeen ciidamada Booliska,”ayay tiri. Waxayna haweeneydaas goobjooga ahayd sii raacisay“Gabadheeda waa ay ooysay.”
Mamnuucida ay magaalooyin ku yaal koofurta Faransiiska mamnuuceen ayaa waxaa racfaan ka qaatay ururada u dooda xuquuqda dadka iyadoo la filayo in maxkamad ay go’aan ka gaarto khamista.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment