Wasiirka Haweenka: Ma horgeynin Golaha Wasiirada Sharci diidan Diinta Islaamka

Bulsha:- Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sahro Cali Samatar oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad ka bixisay erayga Gender halka uu naga soo galay iyo macnihiisa.

Idaacadda Shabelle ayaa weydiisay Wasiir Sahri Maxamed qodobada la sheegay in ay ka horimanaayaan Shareecada Islaamka sida Dadka isku jinsiga ah ee is-guursanaya iyo waxyaabaha kala buuqa badan ka dhex dhaliyay Bulshada Islaamka ee Soomaaliyeed.


Bishii May ee Sanadkan ayey Wasiirada Soomaaliya meelmariyeen Sharciga Siyaasada qaran ee Jinsiga iyadoo dhawaan Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ay shaaciyeen in sharcigaasi la ansixiyay ay ku jiraan qodobo ka horimaanayaa shareecada Islaamka, taasi oo ay soo diyaarisay Wasaarada Haweenka.

Ugu dambeyn, Culimada Soomaaliyeed ayaa mowqifkooda badalay markii looga yeeray Kulankii khamiista ee Golaha Wasiirada ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment