Bulsha:- Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa baadhaya dhimashadii ugu horreysay ee ay suuragal tahay inuu keenay shil ka dhashay tiknoolojiyadda cusub ee baabuurta iswadda.
Darawalka gaadhi is wada oo nooca Tesla ah ayaa ku dhintay shil ka dhacay gobolka Florida ee waddanka Mareykanka bishii May kaddib markii ay isku dhaceen baabuur nooca xamuulka qaada ah.
Waxa aad loo baadhaayaa tiknloolojiyadda Tesla ee baabuurtu isku wadaan oo suurto galisa in baabuurku haadadka kala badalo iyo inuu u hogaansamo sharciga gaadiidka ee wadooyinka isaga oo aan waduhu hawl galinayn.
Bayaan ay soo saartay shirkadda Tesla ayaa lagu sheegay in baabuurka oo noociisu yahay S uu kombuyuutarku aqoonsan waayay midabka cad ee baabuurka xamuulka ah oo uu cawaray kamaradaha gaadhiga yar, taasina ay keentay inuu ka baxo haadkiisii.
Shirkaddu waxay intaa ku dartay in shilkaa uu ahaa khasaare weyn.
Shirla ayaa waxa uu sababay geerida darawalkii gaariga Tesla-ha, Joshua Brown, oo 40 jir ahaa, hasayeeshee darawalkii gaariga xamuulka aanay waxba gaarin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment