Farxiyo Fiska iyo Bashiir Hanuuniye oo Xalay ka Tumay Caasimadda Muqdisho (VIDEO)

Bulsha:- Waxaa xalay magaalada Muqdisho bandig faneed la soo buux dhaafiyay ku qabtay Fanaanada caanka ah ee Farxiyo Axmed Cadaawe AKA (Farxiya Fiska) oo uu wehliyay seygeeda Bashiir Hanuuniye iyo Fanaaniin kale oo reer Muqdisho ah, waxayna Xafladani ka dhacday Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho.

Bandhig Faneedka ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal ruux oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo dadka ay ahaayeen kuwo u dabaal degayay maalinta Ciida.


Farxiya Fiska ayaa markii ay masraxa soo kortay waxaa sacab iyo sawaxan isla helay taageerayaashiisa oo u hamuun qabay arageeda, iyadoo bandhiga ku soo bandhigtay heesaha ay caanka ku tahay.

Sidoo kale waxaa Bandhig Faneedka heeso ka qaaday Fanaaniinta kala ah Bashiir Hanuuniye, Khadar Keeyow, Xanaan Washington iyo fanaaniin kale oo da’yar ah.


Bandhiga faneedka xalay ayaa ahaa mid ay Fanaanada Farxiya Fiska iyo seygeeda ugu tala galeen inay dadka reer Muqdisho ay kula ciidaan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment