Bulsha:- Tani, ayaa ka dambeysay rabshado ka dhashay isu soo bax gelinkii dambe ee Jimcihii ka bilowday Magaaladaasi, iyadoo rag lagu sheegay shufto ay beegsadeen Saraakiisha Booliska.
Isu soo baxaan, ayaa ka dhashay dilal laba nin oo madow ahaa maalmo ka hor loogu gaystay Gobolada Louisiana iyo Minnesota, taasoo dhalisay in Magaalooyinka Mareykanka qaarkood ka dhacaan bannaanbaxyo looga soo horjeedo Booliska.
Booliska Dallas waxay soo bandhigeen muuqaalka nin madow ah oo ku hubeysan qori nooca darandooriga u dhaca, iyadoo lala xiriirinayo inuu ka tirsanaa kuwii weerarka soo qaaday.
Barack Obama, Madaxweynaha Mareykanka, ayaa sheegay in dilalka aan loo meeldeyin ee ka dhanka ah madowga Mareykanka, ay baqdin gelin karto dhammaan bulshada Mareykanka.




_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment