Waa Ka Mamuunc Ragga : Gabaryaheey Dhib Ma Ku Qabtaa Qilaafaadka Joogtadada Ee Gacaliyahaaga , Arimahaan Sameey .

Bulsha:- Waa wax iska caadi ah in qilaafaad u dhex maro lamanaayaasha Somaliyed waana suura gal in adiga qaldan tahay ama xaajiga qaldan yahay balse waxa ay xayaati.com ku siineysaa talooyin muhiim ah oo aad sameyneyso marka xoogaa qilaaf uu idin dhex maro .

Si aad uga yeesho mid qaata qaladkiisa , gartana aad adiga u yeelato raac talooyinkaan gaaban .

* Haddii gacaliyaahaga uu qaldamo haku qaylin hana xanaaqin waliba fal celis ha sameyn balse u dhaaf kaligiis ha buuqee adiga afka qabso kana baxa doodda.

* Is Daji , kaliya ka fikir waxii dhacay , haddii aad hubto in aadan ka qaldamin , adeegso maskax wacan oo keeneysa in odayga uu garto qaladkiisa.

* Waajibaadkii ku saarnaa gudo ee guriga , caruurta iyo daryeelkiisa , ha siin fursad uu dhibka uu ku soo buun-buuniyo .

* Marka ay doodda dhacdo ka dib , haddii ay dhacdo in aad wada cunteeysaan hadalkaada ha yaraado ayay xayaati.com ku leedahay gabaryaheey illaa wax daruuri mooyee hana noqon qofka sheekada fura .

* Wacnaanta muuqalkaada ilaalso hana ku soo muuqan niyad jab ama murugo balse taasi badalkeeda noqo mid waji furan oo bulsho ah waa marka ehelkiisa ama kaada wada joogtaan balse go`aankaada ha noqdo midkii aan ku siinay balse dadka kale yeesan ku fahmin adiga ayaana arki doona in uu is badallo kana qoomameeyo waxii dhacay .


*Kaga mashquul howsha guriga iyo haddii caruur ay jiraan ama shaqadada , ha dareemo odayga in aad haysato wax noloshaada mashquuliya oo badel kaaga noqda dhibkiisa.

Ugu dambeyn waxa ay xayaati.com ku leedahay isaga ayaa sheekada kula furaya waliba mar marsiyo u raadinaya waxii dhacay balse adiga si degan u qaabil arintaas oo dhib kale ha kicin sida in aad eedeyso , marka uu ku raali giliyana xabad gili kuna dheh dhibka iska da aniga wan ku jeclahay nolosheyda waa adiga , waad arkeysaa isaga oo garka ku qabsanaya labada daanna kaa dhukanakanaya







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment