U Gaar Dumarka : 3-aad Arin Aad Ayay Kaaga Cawinayaan Xiisaha Gacaliyahaaga Ee Ku Dadaal

Bulsha:- XIRO LEBIS QURXAN: dood kama taagna in ragga inta badan ay jecel yihiin hadba dumar tan sidata dharka indha daraandarka leh hadaba gabar yahey si aad ugu yeelato awood inaad xagaaga usoo jiidato ninkaaga maxaa kuu diidaayo in aad ku dabato Lebiska ragga ay jecel yihiin una muujiso quruxdaada run ahaantii ninkaaga waxaa uu ku jiraa gacantaada laakiin haddii aadan xilka iska saareynin in quruxdaada ku kabto dharka quruxda leh ogoow meesha wax kuuma yaallaan hana ku eedin seygaada in uuku dananeyn waayo.

ISTICMAAL HADALO JILCAN: Ragga waxaa aad u neceb yihiin dumarka hadalka adag u adeegsada kolka ay yimaadaan gurigooda taas waa waxyaabaha badanaa nimanka uga sii fogaadaan qalbiyada xaasaskooda iyo gurigoodaba hadaba gabar yahay ninkaaga u jilci hadalada kolka uu yimaado guriga waa luqado aad ku daban karto ninkaaga xatta haddii ay wax ka qaldan yihiin waxaa la arkaa inuu isa saxo kolka aad u adeegsato luqadahaas, hadaba isticmaal erayada MACAANE & XABIIBI kuwaas ayaa ah luqadaha dabinka.

HAGAAJI NADAAFADDA AQALKA: ragga xaasaska waxyaabaha aysan u dulqaadan kuna qasba in ay ka haajiraan qalbigaada iyo aqalkaba waxaa ka mid ah nadaafad xumida marka gabar yahay nadaafadda aqalka soo ma moodid in ay tahey muhiim waayo diiniyan nadaafadu waa muhiim nolosha Aadanaha.


HAKA FOGAAN AGTIISA: Ninkaaga oo aad agtiisa joogto adigoo quruxdaada soo hagaajiyey lebiska indha kuusha dharka qafiifka ah taasi waxaa ay ninkaaga ku dhalineysaa inuu sii jecleysto agtaada mar hadduu jecleysto agtaadana taas micnaheeda waa inuu qalbigiisa ku hibeeyey kaligaa marka gabar yahey waxaa sidataa furaha lagu hantiyo qalbiga seygaada.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment