Bulsha:- Inkastoo ay wax wanagsan tahay in labada lamaane ay isku sir ahaadaan hadana waxaa haboon gabaryahay kuma dhaheyno qiyaanooley noqo oo waxaa jira wax yaabo qaarkood oo ay haboon tahay in aadan ninkaada ku dhihin.
Wax Yaabo Uusan Awoodin In Uu Badalo:dhaleeceynta wanaagsan waa mid faa`ido u leh xariirka balse hadii dhaleeceynta noqoto mid ku aadan wax uusan badali karin sida Bidaarta , dhirarkiisa , marka gabaryaheey dhaleeceynta noocaas ah iska ilaali.
Wax yaabo xun oo aad isaga ka maqashay:–
Ma wanaagsana in uu ka maqlo xanta iyo wax yaabaha xun ee isaga gadaashiis laga sheegayo ha ahaadaan asxaabtiisa ama qoyskiisa , wax qasbaya ma jiraan in aad dhaawacdid dareemihiisa tanina waxa ay saameyn kartaa xariirkiina ee gabaryaheey.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment