Bulsha:- Ridhwaan wuxuu helay dad ka saacida in uu u tahriibo dalka Yeman, wuxuu helay doon ku sii jeeda dalka Yeman sidoo kale doonta waxaa saran dumar iyagane baxsad ah iyo kuwa naftooda u raadinaya nolol dhaanta mida dalka ka jirto, waxaa la gaaray xiligii ay doonta dhaqaajin laheed waana xili dambe oo habeen ah, inta badan dumarka doomaha tahriibayaasha raaca ma yaqaanaan dabaaal, gabar kasta waxay isku tax luujineesaa sidii ay wiilasha doonta saaran ula saaxiibi laheed hadii uu dhib dhaco uga helaan bad baado ka timaada dhanka wiilasha, sida caadada ah dadka doonta leh ama wax tahriibaya waa kuwa ugu arxandarada badan ee ka jira Somalia, dadka qaar gudaha badda ayee ku dhextuuran, dadka qaar way ay jirdalaan, marmarka qaarna waxaa dhacda in qofka xabad lagu dhufto, inta doonta la saaran yahay ma jirto wax naxariis ah, sidaa darteed gabar kasta oo tahriib ah waxay caawimaad way diisataa wiilasha doonta saaran.
Cazmi waa mid ka mid ah gabdhaha tahriibayaasha, markii ay aragtay ragga doonta la raacaya waxay ka heshay Ridhwaan maa daama uu umuuqdo wiil jir dhisan leh, tabar iyo energy leh kana muuqato waji daacadnimo leh, Cazmi waxay ku dadaashay in aysan ka ag dheeraan ay ka dhigato wehel, waxayna la kulantay Ridhwaan iyada oo dhoola cadeeneeso, waxayna siisay qeeb kamid ah rooti ay wadatay iyo xalwa iyadoo ka raadineesa la qabsi iyo isbarasha, Ridhwaan wuu ka gudoomay, goobta waxaa ka dhacay isbarasho Cazmi waxay tiri “ waa la baxayaa caawa, badda ayaan ku sii jiri doonaa, lama moogaan doono caqabado iyo qaxarka dhici doona, waxaan ahay qof dumar oo unugul xaaladaha qaar, laga yaabee doonta in ay nala jabto ama cilidi ku timaado, ma ii noqon kartaaa caawiye ma iga bad baadin kartaa nolosheyda ma kuugu haleen karaa?”, Ridhwaan waa nin qalbi furan, wuuna ubalan qaaday in uu bad baadin doono hadii aysan imaan tii Rabbi (dhimasho), Cazmi arinka wuxuu u noqday bilaawga jaceylka ay u qabto Ridhwaan.
Doontii ayaa la raacay, Cazmi iyo Ridhwaan way is dhinac fariisteen, doonta markii ay mareeso meel u dhow xeebta Yeman, doontii waxay aragtay ciidamada ilaaliya badda Yeman, waxay ka baqday in laqabto, dadkii ayee badda ku daadisay, Ridhwaan waa nin ku ad adag balanta sida caadada aheed wuxuu soo bad baadiyay Cazmi, markii gudaha Yeman la soo galay Cazmi waxay ogaatay in nolosheeda uu soo badbaadiyay Ridhwaan, gabdhaha qaar doonta soo raacay inta badan waxay ku dhinteen gudaha badda maadaama ay helin qof soo badbaadiya, Cazmi waxay ogaatay in Ridhwaan uu yahay nin wax galo, raganimadiisa ay dhab katahay, waxayna usoo bandhigtay in ay is guursadaan nolosha inta ka dhiman la qeybsato waxay ku tiri:
Qaadir baa wax badbaashoo adigaa u sabaab ah nolosheyda
Qaa’iin in aadan aheen anigaa huboo waa taa balantii oo fiday
Aniguna abaal keeda ayaan wadaayo naftaydii baad hibo uleedahay
Naftayda baan kula gacloodayoo nin mudan baa tahay
Guur baan diyaar kuula ahay iyo in aan nolol wadaagnee
Haka gar naqin in aad aqbasho codsigeyga
Ridhwaan fikir ayuu galay qalbiga ayuu iska yiri “ Hadda Yeman ayaad joogtaa, gabadhii Aniso aheed Xamar ayee joogtaa, waxay ku sugantahay ma taqaanid, in nin lagu daray kama war heesid, in ay ku jeceshahay ma cada, meel aad kala xariirto ma lahan, teleefoon kama heesid, qof aadan ka warheen ayna adagtahay in aad ka war hesho side uu qalbigaaga ula sii jiraaa, mustaqbal la isku heleen karo ma ahan, iska yeel gabadhaan guurka ay kuu soo bandhigtay” kadib markii uu qalbiga intaas iska yiri, Cazmi ayaa tiri walaalow ii jawaab maxaad la fikiraysaa miyeesan nolosheyda kuu qalmin? Ridhwaan wuxuu yiri waan ogolahay in aan is guursano.

Dhanka kale Aniso waxay soo gaartay magaalada Boosaaso, reerkeedii waxay uga soo tagtay Ridhwaan dartiis, sidoo kale Ridhwaan dartiis ayuu qooska Aniso ugu yimiday burbur, laakiin Ridhwaan kama warhaayo waxaas oo dhan in ay dartiisa u dhaceen, si fudud ayuu gabar ku guursaday, Alla nina ma sidaan baa?
Anisa waxay gashay baadi goob iyo in ay ka dhex raadiso Ridhwaan magaalada Bosaaso, raadis kadib waxay ka war heshay in uu u tahriibay Yeman, Anisa waxay go’aan satay in ay iyadana ka daba tahriibto Ridhwaan maalmaha soo socda
Laakiin Ridhwaan is badal ayaa galay, halka ay Anisa ku tala jirto in ay isaga dartii Yeman u timaado, balsa Ridhwaan wuxuu yiri isagoo dhalinyaro la hadlaya kana sheekenaya Anisa:
Anisooy goortaan dalkii ka anbabaxay gayaan kalaan calmadayoo
Caashaqii aan kuu qabay Gadaal umaan eegin
Goobtaan tago ayuu caashaqeyga la jaanqadaa
Waa igu ceeb gabar aan dalkii uga soo tagay
Inaan waqti siiyo dib qalbiga ugu furo
Gabar kaa qurux badan intaan arkayo
Ha iga sugan inaan kula daadahiyo caashaqa
Axdigii dhexdeena yaalay oofin maayo
Ereyada uu adeegsaday Ridhwaan waa kuwa dhaawacaya qalbiga, waa ereyo aysan xamili Karin naf wax jecel, balasa maxaa xiggi doono sheekada way sii kululaatay la soco Qeybta 10aad oo aad u xiiso badan
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment