Sheeko Gaaban Maxaa Dhex Maray Xaakimkii Caaqilka Ahaa Iyo Labadii Nin Ee Isku Haaystay Amaahdii Lacagta..

Bulsha:- Laba nin ayaa soo aaday wadaad xaakim ah si uu ugu kala gar qaado.

Ninki dacwada qabay ayaa xaakimki ku yiri: “Sheekhoow ninkaan waa saaxiibkeey wuxuuna iga qaatay lacag deyn ah, wuxuuna ii ballan qaaday inuu isiinaayo lix bilood kadib, haddana waxaa ka soo wareegtay siddeed bilood, intaana wuu i meer meerinaayay, laakiin ugu dambeyn wuxuu gaaray inuu lacagti inkiro”.

Wadaadki ayaa waydiiyay ninki dacwada loo haystay waxa ka jira dacwada lagu soo oogay, asagana wuu inkiray inuu lagac ka amaahday.

Wadaadki wuxuu waydiiyay ninki dacwada qabay: “ma haysataa wax markhaati kuu ah oo ah qoraal aad kala qorateen ama dad arrintiina wax ka ogaa?”.

Dacwa qabihi ayaa yiri: “Sheekhoow ninkaan wuxuu ahaa saaxiib aan aaminsanaa, sidaa daraadeed ma jiro qoraal aan kala qoranay iyo dad aan markhaati uga dhiganay”

Wadaadki ayaa yiri: “meesha deynta aad ku kala qaadateen yaa ka ag dhawaa?”.

Ninki ayaa yiri: “geed weyn ayaan hoos taagneyn, wax dad ah oo naga ag dhawaana ma jirin”.


Wadaadki ayaa waydiiyay: “geedki ma taqaanaa?” markuu ninki yiri waa aqaanaa, ayuu wadaadki ku yiri: “intaad baxdo xabad caleen ah iiga soo goo geedka”.

Ninki markuu cabbaar maqan yahay ayuu wadaadki ku yiri ninki dacwada loo haystay: “wuu nagu soo daahay” Ninki ayaa ugu jawaabay: “geedka uu caleenta ka doonay geed dhow maaha”.

Markuu ninki keenay caleenti, ayuu wadaadki yiri: “maadaama aad taqaanay meesha uu ku yaalo geedka caleenta laga keenay, waxaa kugu waajibay inaad deynta iska bixiso, ileyn adigaa markhaati isku noqdaye”.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment