Sheeko Faaido Badan Kana Turjumeyso Wax Walbo Inaan Go’aankeeda Lagu Deg Degin.

Bulsha:- Wiil 24 sano jir ah ayaa wuxuu saarnaa tareen, daaqada tareenka ayuu fiirinayay, wax yar kadib ayuu qeyliyay asagoo dhahaya:

“Aabe geedaha dhan gadaal ayey u soconayaan”

Aabihii wiilka dhalay ayaa dhoola cadeeyay, balse wiil iyo gabar lamaane ahaa oo fadhiyay kursi u dhow ayaa si xun u fiiriyay wiilkii 24 jirka ahaa ayagoo la yaaban sida ciyaalnimada ah ee uu u dhaqmayo.

Mar kale ayuu hadan qeyliyay asagoo dhahaya:

“Aabe fiiri daruuraha korkeena ayey soconayaan, anaga ayey nala socdaan.”

Gabadhii iyo wiilkii lamaanaha ahaa, markaan way is celin waayeen, waxayna ku yiraahdeen odaygii wiilka dhalay:

“Wiilkaaga dhaqtar ayuu u baahan yahay ee maad geysid.”

Odaygii ayaa dhoola cadeeyay, wuxuuna ugu jawaabay:

Dhaqtar waan geeyay, hada ayaana ka nimid, wiilkeyga waxa uu indho la’aa tan iyo markii uu dhashay, manta ayaana loo soo fiiqay indhaha, waana maalintii ugu horeysay ee uu noloshiisa wax arko.

Faa’iido: Hadii aad aragto qof sameynaya wax aad la yaabto, islamarkaas ha xukumin oo go’aan deg deg ah haka qaadan ilaa aad ogaato sababta.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment