Sheeko Xiiso Badan ‘Had Iyo Jeer Waxay MaQaShaa HormarkiiSaa: MaSe JeCla & Qalinkii WaaSuge”

Bulsha:- Qof kasta oo bani aadam ahi waxa uu leeyahay mucaarad iyo muxaafid, waana loo baahan yahay si noloshu u yeelato dhadhan,dhaliilo iyo waliba dhiira galin joogto ah.

Aqristoow waxaa intaas dheer in dadka qaar ka mid ahi maqlayn muraacad balse aysan aqoon macno ahaan iyo ujeedada loo adeegsado kuwaas oo inta badan u abaara qaab qaldan iyo qorshooyin daciif ka dhiga magacooda iyo maqaamkooda.

Ka Bogo Qisadeena Maanta: Farxaan waa mid ka mid ah dhalinyada soomaaliyeed ee u dhabar adeegey marxaladaha colaadeed ee ka jira dalkeena hooyo, asagoo wax ku bartay, heer sare kaga gaaray ilaa haatana ku dhax nool ee aan maalin dibada uga baxin, waxaase jira shaqsiyaad ka danbeeyey sababna u ahaa inuu go,aankaas qaato.

Farxaan iyo dhowr kale oo arday ah waxa aay dhameeyeen waxbarashadii dugsiga sare ayagoo maalin aad ugu farxad badan gacanta ku dhigey shahaadadoodii runtii waa maalin aad ugu qaymo badan naftooda,qoyskooda iyo waliba aayahooda aduun. Balse farxaan waxaad moodaa in qabyo ka aheed farxad ee uusan la mid ahayn kuwa kale ee la qalin jabinaayo, sababtoo ah magaran Karin waxa xigi doono mawjadaan.

Nolosha saboolka ah iyo colaada joogtada ah ee ka jirta dalkeena hooyo waxa aay indho tirtay hankii dad fara badan iyo aayatiinkii kumanaan ardey ahaa ka gadaal markii aay waayeen wax ku garab qabta hadafkooda dhabta iyo waliba hindisahooda.

Farxaana waxuu dhaxda uga jirey dadkaas balse waxuu ka dheeraa rajo aan gureyn. Markii uu ildeeyeen waxbarashadii asaagii waxa aay u kale goosheen jaamacadaha aduunka halka asaga iyo intii ku marxalad aheyd aay u shaqo tageen xoogsigooda.

Farxaan waxuu bilaabey aruursiga shilimaad si maalin maalmaha ka mid ah waxuun ugu tarto asagoo iska iloobey dhaxtaalka nolosha iyo mida macaan ee dhalinyarada. Waxaa jirtey gabar uu aad u jeclaa farxaan isla markaana kartidiisa siin waysay inuu u bandhigto ajceylkiisa maadaama aay ku nagi aheed dabaqada sare ee nolol hodanka ah,waxuuna go,aansadey inuu gaagaxiyo damaciisa ku wajhnaa gabadhaas iyada ah.

Waa aduunyoo wax wax kuu sheega ma wayside maalin xasuus badan ayuu warkii gaadhey gabadhii waxaana loo faaqidey jaceylka ugubka ah ee farxaan u haayo isla markaana uusan doonayn inuu ooda ka rogo, arima la xariiro diiwaanka nolosha. Gabadhii waxaa la yaab ku noqdey warkii ayadoo inta carootey ku tiri Alla ina rag ileen ma xishoodo oo maxaa farxaan u gaarey inuu aniga isoo damco waa yaab runti.

Waxa aay ugu fariin fartay inuu iska iloobo hanashadeeda ayadoo ku waanisey inuu u sahan tago gayaanka asaagii ah oo dunida buuxa ee uusan jeclaan gabadha qaniga ah. Hadalkaas asaga ah inantu waxay u tiri kibir iyo ku daadis balse farxaan waxa aay u noqotay waano iyo sahay uu kaga gun gaari karo taladii aay usoo jeedisey gabadhaasi.

Si kastaba ha noqotee farxaan waxuu gaarey go,aan ahaa heer sare ka gaar aqoonta ka dib wax waliba waad awoodi kartaa ‘Qalinkaa Wax Suureeya, Kugu Simma Halka Doonto, BY “Hadraaawi” ugu danbeytiina waxuu xaadirey jaamcadii uu dooni jirey.

Farxaan maalinka uu fariistey jaamacada waxuu iska iloobey noloshiisii hore iyo waxi dhib ah uu soo morey waxaana u bikaacay waa cusub oo ku saleeysan waxbarasho jaceyl, hiigso mustaqbal aad ku haraad go,i doonto iyo waliba calool nadiif ah ee ka dhan waxa kasta ee uu soo morey isla markaana ku aadanaa dhaliilaha saboolnimo.

Waagii baryaba waxuu ku tilaabaa hormar iyo magaciisa oo maqaam sare kasii dhax muuqda ilaa maalinkii danbe uu magaciisa ka dhax yeerey guriga gabadhii uu jeclaa balse ku nacdey nolosha saboolka ah waliba ka faantey ee yastay jaceylkiisa dhanba. Waxa aay bilaabatay dib u eegis iyo lama filaan goor walba ayadoo maskaxdeeda ku mashquulisey mawjad aan loo baahnayn halka uu farxaana ugu danbeyntii guursadey HaWeeya oo daris ahaayeen inantii la yaabtay jaceylkii farxaan, waxaana loo geeyey boonooyankii ka soo qaybkaadu waa u muhiim arooskeena adiga iyo asxaabtaadaba.

Dhamaad: Aragtida Aqristaha kobciyemedia.com Iyo Su,aasha IsbuuCa, Maxaa Kaaga Baxay QiSada.? Intaa ayaan ku soo gaba gabeynayaa qisadeeni manta inta aan dib u kulmi doonana waa saaxiibkiin ‘WaaSuge’ oo idin wada leh meel kasta oo aad joogtaan caafimaad.

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge” 
Dhaxalka: Farxaan
Shimali02@hotmail.Com







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment