Bulsha:- Marnaba maku fikireen fariin Nuucaan ah ayaad arkaysa Oo qalbigaaga taabanaysa balse way dhacday sidaasi waxaa yiri Saxafiyada qoraalka u daabacday Shabakadda taasi oo ay aad u taabatay fariintaan jaceyl oo ka bilaabanaysa sidan:-
1- Waa dareen aad u macaan badan marka aad ogaato in uu jiro qof ku raadinaya marka aad maqan tahay .
2- Haddii la i yiraahdo kala dooro hantidada iyo jaceylkaada waxaan dooran lahaa hantida Qaaruun si an hadiyad ahaan aan kuugu keeno
3- Imisa dayax ayaa jirta ? waa labo mid cirka jira iyo midka aqrinanaya fariintaan waana adiga .
4- Qofka waa uu iloobaa wax uu soo iibsaday ,,,, balse ma iloobo qalbi uu jeclaaday .
5- Qoraxda waxa ay soo dirtaa dahab dayaxana Dheeman anna waxaan kuu soo dirayaa jaceylkeyga oo waligiis taagnaanaya .
6- Haddii la isu geeyo maalmaha farxadda ee nolosheyda dhab ahaan xittaa ma gaarayaan hal daqiiqo ee aan kula joogay .
7- Waxaan filayaa in hooyadaa ay aheyd Shini,, ma dareensan tahay sababta? maxaa yeelay malab ayay dhashay waana adiga.
8-. Dayax ayaan kuu soo diray si uu wadada kugu ifiyo ,, isaga oo careysan ayuu igu soo laabtay waxaan ku iri maxaa kugu dhacay markaas ayuu iigu jawaabay waxaad ii dirtay iftiin indhaha iga soo riday.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment