Nin Mudo 20 Sano Ka Maqnaa Xaaskiisa Iyo Xaaskiisa Oo Nin Kale Guursatay iyo Naagta Oo Diidan Ninkeedii Hore

Bulsha:- Ninkaan oo u dhashtay dalka Slovakia lugana magacaabo Igor Faber ayaa la waayay sanadka markii uu 1993 kadib markii uu kamid noqday dad lagu waayay buuraha loo yaqaano Tatra Mountains taas oo ay ka dhacday shil, ninkaan ayaa lagu soo waramay xiligaas in uu kamid noqday dad lagu waayay dhacdadaasi hasa ahaateen 19 sano kadib ninkaan ayaa la arkay isaga oo nool nafta ku jirta uuna doonayo in uu la noolaado xaaskiisa.

Hadalka dhimashadiisa ayaa laga soo xigtay kooxaha ku howlanaa bad baadinta dadka ku wax yeelow dhacdadaasi iyaga oo war galiyay xaaskiisa lagu magacaabo Renata, 
Igor Faber ka hor inta aan la waayin xaaskiisa waxay ulaheed 2 caruur hasa ahaatee xaaskiisa markii ay maqashay geerida ninkeeda aye go’aansatay in ay iska guursato nin kale si ay nolosheeda usii wadato.

Igor Faber ayaa dib loo helay isaga oo nool bishii December 2012 dhamaadkii sanadka aan hada ka soo gudubnay, Faber ayaa sheegay in uu doonayo xaaskiisa iyo caruurtiisa in uu dib ugu noqdo oo uu la midoobo inkastoo xaaskiisa ay leedahay nin kale.
Renata ayaa diiday in ay soo dhaweeso ama aqbasho in Faber uu yahay ninkeedii hore iyada oo sheegtay in ay heshay nin kale ama ay guursatay ninkale, Renata ayaa muujisay walaaca ay ka qabto soo laabashada ninkeeda hore iyadoo sheegtay in uu halis ku yahay nolosheeda cusub iyo ninkeeda cusub.
Renata oo mar la hadleesay saxaafada ayaa tiri “ma aqbali karo Faber sababtoo ah nolosheena ayaa is badashay, ilmaheyga waxay yeeshteen aabe cusub sidoo kale anigane waxaan helay nin ama guur cusub.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment