Farxiya Fiska Oo Banaanka Soo Dhigtay Sawiro Iyada Ninkeda hore iyadoo digniin u dirtay.. ,

Bulsha:- Fanaanada caanka ah Farxiya Fiska ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay la aqal gashay fanaanka dhawaanahaan lagu xamanayay ee Caydruus Haleeyay kaasi oo ay ku qabsatay ka dib fashilki guurkeedii hore ee al-fanaan Bashiir Hanuuniye .

Waxa ayna bogeedu rasmiga ah Facebook ku shaacisay in xaas u tahay Caydruuus oo in muddo jaceyl ay soo wada jiliyeen , iyadoo hees ay habeenkii koowaad ee sanadkaan wada qaaden iyada iyo gacaliyaheeda ku soo qortay sida tan “Aniga iyo Mataankayga, Oo habeenkii sanadka cusbaa si live u qaatnay Hees ay iska leedahay Allah unaxariiste Boqradii codka Magoole.. Waxaan jecleestan taageeradayda aan usoorta galin habeenkaa inay heestaa maqlaan, inaan internetka ka dhageysiiyo”.

Waxaa sidaan haatan ku damaya daagal faneedkii kala dhaxeeyay ninkeedii hore ee Bashiir Hanuuniye kaasi oo heeso kululeysi ah ay hawada isu soo marinayeen in muddo .

Warar hoose ayaa sheegaya in odayga cusub ee Fiska Caydaruus uu xariir la sameeyay ninkii hore ee Fiska alfanaan Bashiir Hanuuniye uuna ka codsaday in uu joojiyo heesaha loo micneysan karo in Fiska ku socdaan , uuna iska iloowo waxii hore ee dhex marayna isla markaan uu xasuusta giliyo in haatan ay ka safato horyaalka saaxbkiisa Caydaruus..
Guurkaan Fiska ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan iyadoo qaarkood leeyihiin Fiska wax ay ugu qabsatay Halyeey ay tahay ka maseersiin Hanuuniye iyadoo markii sidaas loo furayba ku qabsatay laacibkaan halka kuwa kalana leeyihiin jaceyl ayaaa dhex maray







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment