Gabar U Dhimatay Warqad Ay Ka Heshay Ninkeeda Oo Dhowrsano Nolol Iyo Geeri Lagu La’aa (Ha Aqrin Hadii Aad Tahay Qof Calool jilcan)

Bulsha:- Qisadaani oo ah mid dhab ayaa waxa ay ku dhacday Gabar u dhalatay Dalka Syria taasoo ku dhawaad 4-Sano ninkeeda aan kawar helin nolol iyo geeri toona.

Gabadhaani oo lagu magacaabo Basma Ayuub oo ah 24-sano jir ayaa Afar sano kadib waxa ay heshay warqad kaga imaaday Ninkii iyada qabay oo lagu la’aa geeri iyo nolol, Basma oo ahayd Gabar sabar badan ayaa waxaa maalin si lama filaan loogu keenay Warqad ay ku jirtay Bashqad Ubax ku hareersan oo kaga imaaday dhanka Xamza Mohamed oo ahaa ninkii iyada qabay.


Basma oo aan maleysaneynin in Ninkeeda Xamza Mohamed uu noolyahay ayaa waxa ay dukatay kahor inta aynan.

furin warqada ‘’salaad sunno ah’’ intaa kadib waxa ay u guda gashay inay aqriso qoraalka kaga imaaday dhanka ninkeeda Xamza, waxaana xusid mudan in Basma ay warqada ku aragtay Erayo halku dhig ah oo ay ku garaneysay ninkeeda Xamza.

Nasiib daro Basma waxa ay u dhacday Dhabar-dhabar, waxa ay gabtay hadalkii,  Saddax mar aye indhaha kasiisay ‘’bilik bilik bilik’’ waxaana halkaasi kaga baxay Naftii.
Si kastaba ha ahaatee Ehelada ay kasoo jeedo Basma waxa ay sheegen in Basma ay sababsatay Warqadii kaga imaaday dhanka Ninkeeda Xamza oo ay mooged ku dhawaad 4-Sanno waxaana lagu aasay iyada oo wadata Warqadii kaga imaaday dhanka ninkeeda.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment