Gabadhii Waalidked U Samo Fashay Iyo ILLAAHEY Siduu Ugu Abaal Guday ‘Qiso Cajiib Ah Weliba Mudan Cibro Qaadasho’

Bulsha:- Gabar Macalimad ah ayaa waxay tiri:- waxan ilaalinayay Imtixaam Dugsiga Sare ah dabeeto Ardaydii markaan u Qeybiyay waraaqihii waxAan arkay Gabar aan ka Shaqeeneynin Imtixaanka oo iska Fadhisa.

Muddo markay sidaa ahayd ayey markii Ardayda sii baxasay mar Qura ka Shaqaysay Imtixaankii, waan yaabay markaas ayaan ku iri:- Gabareey Saacad ayaad Waraaqda Dul Fadhiday, Saddex Daqiiqana waad kaga Shaqaysay markii hore maxaad uga Shaqayn Weyday, ma Ogaan bey kaa ahayd?

Gabadhii yarayd waxay maclimadeeda ku tiri:- Macalin Xalay waxaa Xanuunsatay Hooyadeey Cid la joogtay ma jirto Kaligay mooyaane, markaas ayaan is iri ma Imtixaankaad Berito ayaa Diyaarisaa, mise Hooyo ayaad Heysaa?, dar ilaahay ayaan Hooyadeey Habeenkii oo dhan ugu soo Dul jeeday mar aan Dawooyin siiyo iyo mar aan Dhinaca kale u Seexiyo, dabeeto markaan Saaka imid Dugsiga Imtixaanka Xabad kama Garanayn.

Dabeeto ilaahay ayaan ku iri:-ilaahoowXalay waad Arkeysay saan Waalidkay ugu Samo Falay ee ilaahoow, ii Gargaar. Walaahi Daqiiqado yar ka Bacdi waxa la i hor keenay Buug aanan Garanayn wax uu yahay oo jawabuhu ay ku wada Qoran yihiin sidaa saan kaga shaqeeyay imtixaanka.

Haddaba, waxaa halkaas ka Garan kartaa in Waalidka oo loo Samo falo ay tahay waxa Keliya ee lagu Liibaano Adduun iyo Aakhiro.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW WAALIDKEENA U DEMBI DHAAF).
W.Q:- Macoow Ustaad.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment