Gabar Soomaaliyeed oo Ka Shekeyneysa Qiso Jaceyl ah oo Si Lama Filaan ah u Qabsatay

Bulsha:- Ugu horeen Wad Salaamnatihiin Bahada oo maalamahan Dambe aan Aad ugu taxnaa Barnaamijyada iyo Warbixinada Arimaha Bulshada waxaana Runti aan Aad Ugu Bagaadinayaa in ay Sii Wadaan Warbixinada ka Hadlaya Jaceylka iyo Nolashada oo aan siweyn u jeclahay intaa kadib waxaan Jeclahay in aan usoo  Bandhigo Qiso Jaceyl ah oo Aniga igu dhacday waxaana Qisaadan ugu Dan leeyahay in ay ku Cibra qaataan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee haatan ku haminaya in ay Jaceyl iyo Nolol Sameesataan waxa ayna ku Bilaabeneysaa Sida  Soo Socta…

Magaceygu Waa Nastexo Dahir oo ku Nool Magaalada Jidah ee Dalka Sacuudiga Waxaan ahay Gabar dhalinyara ah oo Reerkeeda ushaqeysata isla markaana ay Ehelkeyga ku Noolyihiin wax aan Aniga Soo Shaqeeyo hadaba waxaan Jeclahay in Aan usoo bandhigo Qiso Murugo iyo ciil ba leh.

Waxaan Qadka internet ka isku Baranay Wiil Jooga Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Wiilkaan ayaa Lagu Magacaabaa Faysal oo ku Magac Dheer (Qorane) Wiilkaan Barshadiisii Horaba aan ka helay dabaacadihiisa iyo Hadaladiisa Macaan ee uu mar walbo igula Sheekeesto intaa kadi wiilkaas waxa uu iila yimid Arimo jaceyl ah durba Waan ka yeelay Damacii Kal gaceylka ahaa ee uu iila yimid si weyna ayaan usoo dhaweeyay Anigoo markii hore ka helay Dhaqankiisa iyo Dabeecadihiisa hadaba Xiligaasi waxa ay aheey Goor habeen ah oo Xili bar ah Saacaduna ay ku beegneed 12:37 habeenkaasi waxa uu faysal ii sheegay in ay utahay habeenkii ugu farxada badneed isla markaana u cagta saaray wadadii uu ku dhisi lahaa mustaqbalkiisa isla markaana uu ku hor marin lahaa Nolashiisa.
                .Waxa uuna igu dhahay Sida Tan :-  Macnto Aad ban ugu Farxay Soo Dhaweyntaada Aan wax Shuruud ah aan Daba Socan teeda kale Anugu mihi Qof Ciyaaraya Waxaan Shaqsi si dhab ah kuu jelaaday isla Markaana Nafsadiisa Aan ka Beensheegeyn, Waxan nin Doonaya Farxad iyo Jaceyl Ayaayatiin iyo Mustaqabal Wanaagsan leh, Qofka kaliya ee intaa oo dhan isiin kareysa Waa Aidaga Xabiibti ee Qalbigaaga ku Haay in Dhismaha Farxdeena Ay Caawa Bilaabatay.
Marka uu intaa igu Dhahay Dhambtii waxaa igalay Dareen farxadeed iyo mid Jaceyl kii ugu weynaa Nolasheeyda waxaan xiligaasi Noqaday Qosf Aamusan oo indha kaliya ka dhooreysa Aryada Macaan ee uu Faysal Qaab Qoraal ah iigu Soo marinayo Alalada Facebook.
Kadib ayaan Anuguna ugu Jawaabay Sida Soo Socta;- Macaane Runtii aad Baan ugu Farxay Jaceylka Aad iila timid iyo qaabka Quruxda badan ee Aad iigu Soo Bandhigtay Runtii Si wacan ayaan kaaga Gudoomay waaana Soo dhaweynaya jaceylkaaga mida Kale Runtii xageeyga Kama Arkeysid Wax Dhibaato ah waxaana kaa Balan qaadaya in aan kaa Ilaaliyo Xumaha iyo wax kata oo Dhib Keeni Kara.
Hada Ba Markii aan intaa ku dhahay kadib ayaau Hadana ii Soo Daba Dhigay Erayo Murti ah oo aad uqiimo badan waxa ayna udhaceysay sida tan.
  • Inanyahay jar roob iyo
  • Jiilaalku kala wacan
  • Jacayl iyo nac kala wacan
  • Jannadii Firdoowsiyo
  • Jabal Naara’ kala wacan
  • Jirka iyo quluubtiyo
  • Jaahana u kala roon
  • Samsam jaadka aa tahay
  • Rubaddeyda jammatoo
  • Qalbigaad dhaxjiiftaa
  • Ku jecliyaa xabiibtii
  • Ha jareexin caashaqa.
  • Adaan jawharad iyo dahab
  • Kaa jeclahay nafteydii
  • Alloow yaa Jammaadeey
  • Jiinkii shabeeliyo
  • Jubba kugu aroosaa
  • Jawhar kula dalxiistaga
  • Ood Jaamac iyo Qeys
  • Jammaal Hibo u qaaddaa
  • Intaad dunida joogtana
  • Jacaylkaaga laasimo
  • Ku jecliyaa xabiibtii
  • Ha jareexin caashaqa


Inta kadib aad Baan ula Dhacay Erayadaa Macaan ee Galiyaheeyga Cusub uu Qaab Qoraal ahaan iigu Soo Diray Waxaa Igal Dareen jaceyl Erayadaasina waxa ay igaliyeen Kal Gacayl Xad Dhaaf ah waana ku farxay Jaceylkeeyga Cusub hadaba habeenkaa waxa ay sheekadeenu gaartay ilaa waagii uu ka dilaaco dadka qaarn ay hurda ka tooseen inagiina labadeen aan isku diyaarniyno hurdada…….








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment