Bulsha:- 1 Kumuu soo wacin marna Allah ha ka dhigee, iskumuu dayin inuu fariin kuu soo diro, mobile-kiisana wuu ka masaxay magacaaga.
2 Si iska caadi ah ayuu noloshiisa u sii wataa, waxaana taasi cadayn u ah bogiisa facebooku wuu shidan yahay, ha is moodsiin inuu isku dayayo inuu ku ilaabo, waayo markaste oo uu la baxo saaxiibadii waxay daliil u tahay inuu si kama dambays ah kuu ilaabay.
3 Marnaba kaamuu waraysan asaxaabta aydun wadaagtaan, mar kaste oo aad isku daydid inaad ogaatid in uu kaa waraysto dadkana waxaa laguu xaqiijiyaa inaanuu cidnaba kaa waraysan.
4 Bil kadib ayaad kulanteen, waxaad aragtay isaga oo dhoola cadaynaya sida uu ugu dhoolo cadeeyo dadka oo dhan, isla markaana aan wax cadho ama muruugo ahi ka muuqan.
5 Waxaad maqashaa inuu ballan la yeeshay gabadh kale, in uu ku faraxsan yahay xidhiidhkaas cusub, inuu is baray gabadha iyo reerkiisa, isla markaana dadka oo dhan u muujiyo farxada iyo rayraynta uu ku jiro.
6 Waxa uu badiyaa booqashada meelaha laga cunteeyo ee aydun hore u booqan jirteen, balse maaha si uu usoo xasuusto xidhiidhkiinii laakiinse wax dareen damqasho ah oo uu ka qabo meelahani ma jirto, danna kama laha hadii aydun ku kulantaan iyo hadii kale ba.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment