Bulsha:- Inta aysan guursan gabadha laakiin ay dooneyso in ay guursato ayaa ah in ay ka fikirto wax yaabo badan ama is waydiiso su’aalo badan oo u muhiim ah nolasheeda dambe, hadii aadan sidaa u fikir waxaa laga yaabaa in uu go’aanka guurka kaa xumaado aad la nasiib noqoto kumanaanka kun ee maanta kala tagay.
-Is Waydii Maku Qanacday Isaga (ninka): Hubso marka hore in noloshaada ay ku qanacday, hadii aysan jirin wax qancsanaan la aan waxaad dareemi doontaa ciriir nololeed iyo dhibsasho taas marka dambe keenta furiin.
-Maku Jecelyahay: xariga ugu wayn labada qof isku haayo ayaa ah jaceyl, hadii uusan waxba jaceyl kuu heen wuxuu noqon karaa mid aad ka wayso ninkaaga wax farxad iyo daryeel la aan, waxaana suurta gal in ninkaaga uu kala guursado qof kale oo dumar, taasna waxaa keeneeso jaceylka uu kuu qabo oo aad u yar.
-Maku Qadariyaaa: matahay qof isaga u qiimeesan xushmad iyo qadarin qof uu uhaayo matahay, Bulsha.com ayaa ku leh hadii aadan ku heesan wax qadarin iyo xushmad way adkaaneesaa in uu ku qiimeeyo, waxaana laga yaabaa bulshada dhexdeeda wax aadan filaneen in uu kuugu dhaho, waxaana suurta gal ah in uu qadariyo gabdho kale ay sidaa kulunta kaalintaada.
Ma Yahay Nin Qaadi kara Mas’uuliyadaada: waxaa badan rag aan qaadi karin mas’uuliyada dumarka, hadaba iska hubo in uu yahay nin qaadi kara masuuliyada, in uu yahay nin noloshaada balan qaadi kara, hadii intaas aadan ku heesan waxaad noqon doontaa dhibane.
-Ma yahay Nin kuugu Caawin Doono Hadii aad jiratid Mase Wuu Kaa Tagi Doona: Ma yahay nin kuugu caawin doono xitaa hadii aad wax yeelowdo sida cuuryaan ama jiro xun ku hesha masa waa nin hadii aad xanuunsato isla markiiba ku firi karo, iska hubo in uu kuugu jecel yahay jirada iyo in uu ku daryeeli doono.
-Ka Saxiix Ninkaaga In uu intaas kuu balan qaadayo: hadii aad ku aragto in ninkaaga uu balanta ka baxaya waxad la soo baxdaa warqad cadeeneeso in uu balan kaa qaaday taas oo noqon karta in ninka go’aankiisa dib ula laabta ama noqda mid ilaaliya balamihii uu qaaday.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment