DAAWO: Hooyo Soomaaliyeed oo wiilkeeda Burus Madaxa Kaga garacday oo Xabsiga la dhigay

Bulsha:- Hooyo Soomaliyeed iyo Wiilkeeda ayaa waxaa la sheegay in Xabsiga la dhigay ka dib markii uu soo kala dhexgalay muran dhaliyey gacan ka hadal iyadoona ay hooyadaas ay wiilkeed madaxa Burus ay kala dhacday.

Hooyadaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Zaynab Sabriye oo 45 sano jir ah iyo wiilkeeda oo lagu magacaabo Cabdimaalik Cali oo 19 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay booliska magaalada Rochester ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ay xabsiga dhigeen ka dib markii uu dagaal ka dhex qarxay qoyskaas, Wiilkaas lagu magacaabo Cabdimaalik ayaa waxaa la sheegay inuu weerar ku qaaday gabar walaashiis ah oo ka yar ka dib markii ay ku murmeen Fiilada batariga teleefoonka lagu buuxiyo ama lagu jaarjigareeyo iyadoona hooyada oo guriga timid markii ay gabadheedu u sheegtay waxa dhacay ay wiilkeeda burus ay madax kala dhacday.

Ugu dambeyntiina iyadoo wiilkaas iyo hooyadiis xabsiga la dhigay ayaa waxay hooyadu qiratey inay wiilkeeda madaxa kala dhacday buruskaas iyadoona arintaas sabab uga dhigtey inay qaati ka taagan tahay dagaalka joogtada ah ee caruurteed, Wiilkeeda oo asagana xabsiga la dhigay ayaa waxaa lagu soo eedeeyey dhibaatada uu u geystay gabadha walaashiis ah ee ka yareyd iyadoona hooyadaas iyo wiilkeeda dhawaantaan la horkeeno doono maxkamada laguna soo eedeyn doono dambiyadaas loo heysto.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment