Daawo:- Doorkii Dagaalkii Puntland iyo Al-shabaab, Ay ka qaadatay Hooyo Dhudi Yuusuf oo Lagu Dilay Gaalkacyo

Bulsha:- Waxaa Xalay Salaadii Makhrib kadib lagu diley magaalada Gaalkacyo udoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug DHUDI YUUSUF AADAN iyadoo dilkeeda ay Fuliyeen Rag Hubaysan.


Hooyo Dhudi Yuusuf Aadan ayaa waxaa lagu Xasuustaa Doorkii ay dhowaan ka qaadatay dagaalkii Ciidanka Puntland ay la galeen Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab markii ay kusoo duuleen deegaanada Xeebaha ee Puntland.

Khudbad ay maalintaasi Jeedisay ayaa waxay ku sheegtay in Hadii ay dhimato ay si Sharaf leh u dhiman doonto, Iyadoo diyaar u ahay inay la dagaalanto Cidii Puntland soo Faragelisa sida ay hadalka u dhigtay  “Dad ayaa Baqaya, oo leh waa Lagu dilayaa, Aniga hadaan dhinto Geeri Sharaf leh, ayaan ku dhimanayaa, Nolol Cidhiidhi ah intii aan ku Noolaan lahaa aan Geeri Sharaf leh ku dhinto”  Ayay Tidhi Alle ha U naxariistee.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment