Aar goosigu Waxa Uu Khatar Ku Yahay Caafiimaadka Nafsiga Ah Waxa Aanu Qofka Ka Faquuqaa Bulshadiisa..

Bulsha:- Cilmibaaris ay sameeyeen cilmi baadhayaal u dhashay uu dalalka Germany iyo Belgium ayaa ay ku ogaadeen in aargoosigu uu niyad ahaan qofka u dhadhamo macaan, balse runtu ay tahay in uu halis ku yahay caafimaadka, isla markaana uu aargoosigu qofka ku dhaqma ka dhigo shakhsi nafsi ahaan u buka, bulshadana ka takooran oo ay ku adag tahay in uu dhex gala.

Cilmibaaristan oo ay iska kaashadeen jaamacadaha Bonn iyo Mastricht ee dalalka Jarmalka iyo Biljam muddadii ay socotay waxa ay cilmibaadhayaashu tijaabo ku sameeyeen 20 Kun oo arday, si loo baadho raadka aargoosigu ku yeelan karo dabeecadda iyo nolosha. Tijaabadan waxaa ka soo baxday in dadka jecel aargoosigu inta badan yihiin dad gooni socodk ah noloshuna aanay qancin.

Professor Dr. Armin Falk oo ka tirsan jaamacadda Bonn ayaa mar uu daraasaddan ka faalloonayey waxa uu sheegay in mar kasta oo uu qofku ka fog yahay aarsiga uu u dhaw yahay guusha iyo in uu bulshada ku dhex yeesho magac iyo xidhiidh wacan, halka dadka aarsiga jeceli inta badan si joogta ah u lumiyaan saaxiibbo muhiim u ahaa, aakhirkana ay keento in ay ku noolaada nolol gooni socod ah iyo diiqad ku dambayn karta cudurro nafsi ah








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment