Bulsha:- Sawir qaade u dhashay dalka Jarmalka oo booqasho ku tagay Kenya, gaar ahaan deegaanada ay dagaan qowmiyada Masai, ayaa sawiro cajiib ah kasoo qaaday 2 Aar oo dagaal qaraar dhex maray, kuwaasoo isku qabsaday Hogaaminta Libaaxyada kale.
Labadan Libaax ee Aarka ah ayaa waxaa dhex maray dagaal aad u qaraar, iyagoona waxba isku reeban islamarkaasina isla dhacay Miciyahooda waaweyn.
Sida caadada ah Libaaxa Aarka ah waxa uu inta badan jecelyahay inuu isaga u taliyo libaaxyada kale ee ka yaryar, balse hadii 2 Aar meesha kuwada kulmaan, waxaa reerka u haraayo oo xukumaayo kii dagaalka ku adkaada, kan kalena wuu isaga huleelaa oo meel kale ayuu raadsadaa.




_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment