Waxaa Is Weydiin Mudan Waxa Keena Furiinka??!!

Bulsha:- Dhawaanahan oo aad u tira batay furiinka ayaa waxaa leys waydiinaya su’aasha ah maxaa keenay furiinka?
Inkastoo su’ashani uu aga jawaabayo qof kasta si, ayaa haddana lagu kal duwan yahay waxa keena furiinka
markii aad si fiican u eegto nolosha bini’aadamka waxa ugu muhiimsan waa guurka sidaas daraadeed ayaa dadka badankiis u arkaan furiinka in ay tahay guuldaro ku timaada guurka
haddaba maxaa keena furiinka ?
waxa keena furiinka waa wax aad u adag hasa yeeshee waxay sheegaan dadka ku taqasusay arrimahaan waxyaalo badan oo ka mid ah
1 dhibaato dhaqaale
2 in lakala fogaado
3 dabeecada oo lagu kal duwanaado
4 balwadda
5 dhaqanka oo lagu kal duwanaado
6 gogosha oo leeskaga kal heli waayo
7 faragalin ku timaada lamaanaha dhankasataba ha ahaatee
8 diinta oo lagu kal duwanaado
inkastoo aad u badan yihiin wax sababa burburka qooska haddana waxaan kasoo qaatay aniga inta ugu muhiimsan oo aan isdhahay badanaa ayaga ayee ka yimaadaan.
moowduucaan oo dood fara badan dhaliyay haddana dadka ku nool dunidaan aan joogno ayaa wuxuu ku eedeeyaa rag iyo dumarba midba midka kale in uu asiga keeno ama xagiisa katimaado in lakala tago hasayeeshee furiinka ka dhaxdhaca dadka soomalaiyeed ayaa salka ku haya seddax arrimood oo aad moodaa in ay ka dhashaan kalatag aan xal laheen.

Sidaxdaas arimood waxee yihiin dhibatao dhaqaale, balwada iyo dhaqanka oo lagu kala duwanaado kala taga ugu badana ayaga ayuu ka yimaadaa gaar ahaan kala taga soomaalida.
Furiinka ka dhaca afrika ayaa sababsada had iyo jeeraale dhaqaalo daro daraadeed halka kuwa ka dhaca amerika iyo yurub ee sababaan siddaxda aan kor kusoo sheegay oo dhan,
tusaale, soomalida kunool qurbaha waxoo kal tagooda sababa markasta dhaqanka oo doorsooma iyagoo ka tago dhaqankeenii suubanaa, dhibaato dhaqaale iyo balwada.
ugu danbeentii aqristoow waxaa maqaalkayga kusoo afmeerayaa marka hore in laga baqo Allaah loona laabto jidkiisii, taas oo qoysas badan ka badbaadin karto in uu ku yimaado bur-bur, waxaa kaloo kula talin lahaa in ay ka wada tashadaan waxkasta oo soo wajaha lamaanaha isla nool,qalad hadii uu yimaadana, si wadjir ah loo xaliyo had iyo jeerna lagu dadaalo samirka iyo dulqaadka.

hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah Ma keeni karaa Musasalka ay aadka u xiiseeyaan Dumarka Furiin?

Furiinka Ragga Miyaa Keena Mise Dumarka?!









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment