QAMAR:- Waxay Niyad Jabtay Markii ay arintaan ka ogaatay Ninkeeda -Dhacdo Yaab leh

Bulsha:- Waa mar kale iyo qeybtii ku caawi talaadada iyo bahda Heegan24.net waxa ay todobaadkaan fariin talo raadin ah naga soo gaartay gabar ku sugan dalka Itoobiya , waxa ayna u dhigneyd sida tan.

Mageceygu waa Saafi waxaan ku noolahay Magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, aniga waxaan halkaan u joogaa sababo Buufis ah oo waxaa ii soo doodeysa walaashey, dhawaan ayaa waxaa deriskeyga soo noqdey wiil kaas oo isna u yimid halkaan arimo kuweyga la mid ah .

Haddaba isku Flat ayaan daganahey wiilka waa wiil aad u akhyaar ah waxaana igu weynaaday qiimihiisa akhyaarnimo waxaana dareemey in aan jaceyl u qaaday haase ahaatee waxaa arinka ii sii xumeeyey markii gabar ay qaraabo yihiin ii sheegtey in wiilka uu horey xaas u lahaa misana ay joogto xaaskiisa wadanka Somaliya.

Xoogaa inkastoo aan ka niyab jabay haddana waxaan maara u waayey nafteyda oo ah in ay ka qalbi goosato wiilkaan, runtii wiilkaan wax aan illaa hadda u bandhigtay ma jiraan laakiin waxaana nahay dad isku fiican maadaama aan qurbo joogno waan is weheshanaa mar mar qolkeena ayuu yimaadaa waxaana halkaan ku galnaa sheeko iyadoo ay na wehliyaan gabdho kale mar mar waxaan isl aadnaa magaalada hoose gaar ahaan xilliyada aan soo adeegano.

Si walbaba jaceylka aan xaggiisa u qabo waxaan ka dareemayaa qalbigeyga waana mid mug weyn, haddaba sideen wax yeelaa ma wiilkaan ayaan ka haraa ugana haraa xaaskiisa darteeda mise waan u bandhigtaa xanuunka i haya ????

Waxana bahda  Heegan24.net iyo asxabata ku taxan ka codasanayaa in ay igu caawiyaan taladooda waxaa suura gal in aan aragti iyo wax in anfacaya ka helo.

Bahda Heegan24.net ayaa ku siineysa talaadaan gaaban waana filiyenaa in asxaabta kalana iyana ay ku sii raacin doonaan.

Safiyo sideedaba adduunyadu waa sida filim musalsal ah maalinba dhanbuu aadaa Jaceylkuna waa qeyb ka mid nolosha aadanaha wuxuuna soo jiray tan iyo Uumistii Nebi Aadam (CS) iyo Ayeeyo Xaawa waxaana maalinba maalinta kadambeysa sii dhaxlaayey jiilka cusub wuxuuna soo gaarey illaa waqtiga kan iyo in adigana uu ku soo weeraro.

Waxaad nio sheegtey in aad wiilka qalbiga ka jeclaatay misana aadan weli u bandhigin waxaa kaloo aad inoo sheegtey in aad ka yara niyad jabtey markii laguugu yiri xaas ayuu leeyahey wiilka, runtii waxaan ugu horeyn kuu sheegeynaa in caalmakaan uu ka jiro hal dastuur kaas oo ah midka EEBE soo dajiyey dastuurkaas waxaa uu u baneynayaa ruuxa ragga in uu guursan karo ilaa 4 gabdhood (waa haddi uu awoodo misana u kala xaq soori karo) marka adiga waxaan ku leenahey ku qanac xukunka EEBE, tan labaad waxba yeeysan kaa niyad jabinin jaceylkaaga hadalka ah xaas ayuu leeyahey.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment