War bixin kooban oo ku saabsan Atariishadda Madhuri Dixit.

Bulsha:- Xiddigta Bollywoodka ee Madhuri Dixit, oo caan ku ah ciyaarta hiddaha iyo dhaqanka India, waxey dhalatay 15-may 1967-ki, waxeyna kasoo jeedaa qoys caan ku ah tacliinta, eyadoo labadeeda waalid ey ka bexeen jaamacadda Mumbai, qeybta cilimiga nolosha, sidoo kale Madhuri Dixit waxey si wanaagsan u baratay ciyaarta Hiddaha oo muddo 7-sano ah ey ku mashquulsaneed.

Madhuri waxey saameyn balaaran ku leedahay shirkadda Bollywoodka, eyadoo jishay dhowr filim oo shacab iyo masuuliyiin intuna ka heleen.

Madhuri waxey hakisay jiliinka filimada 2002, ka gadaal marki ey guursatay Sriram Madhav Nene 1999-ki, waxeyna u dhashay labo caruura oo lagu kala magacaabo Raayan Nene, Arin Nene.

Xiddigtaan waxey shaqada Bollywoodka bilowday 1986ki, filimki ugu horeeyay wuxuu ahaa Abodh, laakiin waxey kusoo can baxday ‘Filimka Teraab’ oo ey wada jileen Anil Kapoor, eyadoo xiligaas tartan u gashay abaalmarinta ugu sareysa India ee Filimfare.

Madhuri waxey caan ku tahay oo lagu xasuustaa xili weliba dhoola cadeynta iyo farxadda aan gala joogsiga laheyn, waxaana lagu triyaa atariishadda ugu fiican Bollywoodka dhanka ciyaaraha, gaarahaan hiddaha iyo dhaqanka.

Xayawaanka ey ka cabsato Madhuri waxaa lagu sheegay Baranbarada oo aragti iyo arod kala dhexeyso.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment