Bulsha:- Jilaaga reer Hindi Akshay Kumar ayaa iska xiiray Garkii waayahaanba uu sii deeynayay. Akshay ayaa waxaa sidaas inuu sameeyo ka dalbaday soo saaraha Filimka Housefull 3.
Akshay ayaa waayadaanba go’aansaday inuu sii deysto Gar qafiif ah, laakiin go’aankaas dib ayuu uga laabtay, kadib markii ay sidaas ka dalbadeen qaar badan oo kamid ah taageerayaashiisa iyo soosaaraha Filimka Housefull 3.
Ilo ku dhow dhow Aktarka, ayaa Movietalk u sheegay, in Akshay uu Filimka Housefull 3 ku jili doono nin da’ ahaan aad u yar, sidaas darteed ayaa waxaa Aktarka uu ku qasbanaaday inuu xiiro Garkii uu waayadaan kool koolinayay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment