Ila Tali : Muno ” Saaxiibkey Waa uu Mashquul Badan Yahay Imana Siiyo Waqti Aan Kula Sheekeysto

Bulsha:- Waxa ay Warqad Talo Celin ah Naga Soo Gaartay Gabar Magaceeda Ku Sheegtay Muna, Sida ay inoo Soo Sheegtay Waxa ay ku nooshahay Magaalada Neyroobi ee Dalka Keenya, Waxa ay Tiri Marka Hore Waan idin Salaamay Bahda Shabakadda Xayaati Qaasatan Waxaan Salaamaya Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib) oo inta Badan Talooyinka Siiya Bulshada Soomaliyeed.

Salaan Kadib Muna Waxay Qoraalkeeda Ku Biloowday Sada Tan:-

Waxa Jaceyl Naga Dhaxeeya Wiil aan Wada Joogno Magaalada Neyroobi, Saaxiibkeey Waa uu Mashquul Badan yahay, Waxa uuna Ku Jiraa Howlo Ganacsi, inta Badan Aniga Waqti aan la Sheekeysto iima Helo.

Marka aan Weydiiyana Waxa uu iigu Jawaabaa, Mashquulka ayaa iska Badan, Waxa uuna i yiraahdo Muno Waad ogtahay Howsha Ganacsi een ku Jiro Baaxadiisa inta ay La Egtahay ee is Daji Camal, Hadaba Arin Halkaas ayuu Marayaahee Sideen Yeelaa Xaaji Tahriibow.

Talo Celin:-

Muno Waanu Kaa Gudoonay Salaantaadii Qaaliga aheyd Midaas Mid Lamid ahna anagana naga hano Sida aanu u Nahay Bahda Shabakadda xayaati , Salaan Kadin Taladaada Waa ay Fududahay, Kaliya Waxaa Kugu Haboon oo aad Ku Dhaqaaqdaa Waa inaad Saaxibkaa Dulqaad u Muujisid, Sababta oo ah Waxa uu u Shaqeynayo Waa Adiga, Hadii uu Maseyr iyo Tuhun Naageedba Kugu Jirin iska Samir, ILAA SABRAA SAD LEHEE.

Dabcan isna Waxa Looga baahan yahay Tixgalin iyo Qadarin iyo Waqti uu Kula Qaato inuu ku Siiyo, Si Guurkiina Kahor aad Wax isula Meel Dhigtaan, Daloolada Wax idinkaga imaan karana aad iska Xirtaan, Si Bari Kamaalin Hadii aad Aqal Gashaan aysan is Faham Daro Deg Deg ah idin Dhex imaan.

Taladaas Waxa lasiiyay Gabar Magaceeda Kusoo Gaabisay Muno Taasoo Qoraal Email ah Nooga Soo Dirtay Magaalada Neyroobi ee Dalka Keenya.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment