Bulsha:- cataractCaadka indhuhu (cataract) waa caad fuula leniska (lens) isha/qaybta isha ee nalku ka gudbo taasoo keenta in araggu dhib noqdo. Caadku waxa uu fuuli karaa hal il ama labada indhoodba. Caadku waxa uu caam ku yahay dadka waaweyn.
Qodobada Halista ee Imaanshaha Caadka
Halista imaanshaha caad indhaha fuula waxa uu la kordhaa da’da.
Qodobada kale ee halista waxa ka mid ah:
Qaar ka mid ah cudurada iyo sonkorta/sonkorowga
Sigaar-cabista
Isticmaalka khamriga
Iftiinka cadceedda oo si badan kugu dhaca
Calaamadaha Caadka Indhaha
Calaamadaha caadka indhaha fuula si tartiib ah ayuu mudo dheer u sameysmi karaa.
Arag caad saaran yahay ama isku darsan
Waxa la arkaa iftiin ku wareegsan laydhka ama nalalka ama laydhka/nalalka ayaa si weyn u cad
Aragga habeenkii oo xun
Aragga oo ah laba-laba
Midabada oo aad moodid kuwa khafiifay Daryeelkaaga
U tag dhakhtarka indhaha haddii aad qabtid mid ka mid ah calaamadahaa. Dhakhtarkaagu waxa uu sameyn doonaa baadhitaan indho si uu u baadho dhibaatooyin. Haddii dhibaatooyinkaaga araggu ay qas galiyaan hawlo maalmeedkaaga, waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu ku taliyo qalitaan. Qalitaanku waxa uu saaraa leniska caadka leh waxana uu ku beddelaa lenis artifishal ah ama la sameeyay. Adiga iyo dhakhtarkaaga ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii qalitaanku yahay daweynta kuugu fiican.
Waxa laga yaabaa in leniskaaga si tartiib ah mudo dheer caad u fuulo, sidaa daraadeed waxa laga yaabaa inaanad u baahan qalitaan mudo sannado ah. Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu ku taliyo muraayado indho oo cusub, iftiin ka cad intii hore oo aad isticmaashid, muraayadaha qoraxda ee baajiya cawarista qorraxda ama leniska weyneysada ah si loo hagaajiyo araggaaga. U hubso in laguu sameeyo baadhitaano indho oo joogto ah si adiga iyo dhakhtarkaagu uga hadashaan goorta qalitaan loo baahan yahay.
Sida Loo Badbaadiyo Araggaaga
Haddii aad jirtid 60 ama aad ka weyntahay, ha laguu sameeyo baadhitaan indho oo leh weyneyn ugu yaraan hal mar labadii sannadooba.
Cun cagaar badan, khudaar iyo cuntooyin kale oo badan oo leh ‘antioxidant’.
Gasho muraadaha qorraxda iyo koofiyad si aad isaga ilaalisid iftiinka qorraxda ee ah ‘ultraviolet’.
Maamul sonkorta/sonkorowga aad qabtid adiga oo la kaashanaya dhakhtarkaaga iyo nafaqo-yaqaan.
Iska jooji sigaar-cabista.
Iska jooji khamriga.
isha:-qurbo
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment