Faaidooyinka Jimicsigu U Leeyahay Maskaxda

Bulsha:- jimicsigu Khubaro saynisyahano ah ayaa sheegay in jimicsiga dhinaca jidhka ah ee la sameeyaa uu keeno inuu kordho xadiga maskaxdu, sidaana waxay ku sheegeen daraasad ay muddo wadeen oo ay dhowaan soo gebo gebeeyeen.

Saynisyahanadan ayaa sheegay in jimicsigu aad uga qayb qaato DNA-da oo xataa samaysa qaab ka duwan qaababkeeda hore, kaas oo keeni karta inay ku kala duwanaadaan dadku, gaar ahaana dadka walaalaha ah oo waxa lagu soo soocaa ay tahay DNA-da.

Khubaradan oo u dhalatay wadanka Filand ayaa ku sameeyey tijaabo dad badan oo ay ku jiraan dad walaalo ahi,gaar ahaana dad mataano ah, kuwaas oo ay uga soo baxday siday sheegeen kala duwanaansho weyn oo u dhaxaysa.

Kooxdan khubarada ah ayaa sheegay in jidhkaaga oo aad si joogto ah u siiso jimicsi ay lee dahay caafimaad balaahan ,gaar ahaana dhinaca maskaxdu tahay mid aad u faa’ido badan,waxaanay tilmaameen in loo baahan yahay in la joogteeyo si ay maskaxdu u fido, sidoo kalena ay u noqoto mid firfircoon.

Khubaradan ayaa aaminsan in jimicsiga la sameeyaa uu sidoo kalena ka hortago xanuuno badan oo dadka ku dhaca, sida faaliga, dhiig karka iyo kuwo kale oo lamid ah, kuwaas oo dhibaato badan dadka ku haya.

Ugu dambaynta waxay usoo jeediyeen dadka in la sameeyo jimicsi jidhka ah, gaar ahaana dhinaca da’da oo ay ku xidhan tahay, waxaanay tilmaameen in yaraanta ay ku wanaagsan tahay in lagu bilaabo jimicsigaasi, taasina ay faa’ido keento marka la gaadho da’ahaan 60 sanno oo ay ka hortagto xanuuno badan.


Sidoo kale kale daraasad kale oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacadda American University of South Carolina ayaa sheegay in jimicsiga oo la sameeyaa uu keeno inay shaqeeyaan qaybo badan oo kamid ah unugyada dhiigu, taasina ay keento in maskaxda qaybo badan oo kamid ahi u shaqeeyaan si xoogan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment