Bulsha:- Dhaanteena waxeynu jecelnahay in jirkeeno noqdo mid qurux badan oo weliba caafimaad qaba, Hadaba si jirkaadu qurux u yeesho waa in aad jimicsataa oo aad iska ilaalisaa cuntooyinka caafimaad darada keena. Laakin waxaa jira faa’iidooyin uu leeyahay jimicsiga lajoogteeyo waxaana ka mid ah:
-Iska difaacida cudurada: markaad leedahay jimicsi joogto ah ama aad si joogto ah u jimicsatid waxa ku kordhaya awoodada iska caabineed ee dhinaca xanuunada. Duri iyo xanuunada la mid ah si fudud kugu dhici maayo. bulsha.com ayaa ku leh Jimicsigu wuxu kordhiyaa waxa loo iqaano immunoglobulin, immunoglobulinku waa protein kor u qaada difaaca jidhka.
-Kalsoonidaada ayaa korodhaysa: jimicsiga joogta ah wuxu inyar inyar maalinkaste kobcinaya kalsoonida aad naftaada ku qabtid isla markaana hoos u dhigaya streeska ku haya. qanjidhka loo yiqaano pituitary gland ayaa soo daynaya kemikalo (chemicals) ay ka mid tahay endorphin oo niyada ku dajinaya kaana farxinaya.
– Kor ayu u qaadaya energyga: hadaad hawl yar ama mid badan aad leedahay maalintaada waxaad arki doonta inaad si fudud uga baxi doontid adigo ka daalin hadaad si joogta ah u jimicsatid.
-Jidhkaaga iftiimaya: markaad jimicsatid dhiigaaga si wanaagsan oo xawaare sareeya ayaa jidhka wada gaadhaya. Sidaad u ogsoontahay oxygenta iyo nafaqada dhiiga qaada, markaa jidhkaaga ayaa oxygen intii hore in ka badan heli doona oo gaadhi doona unugyada haraga oo u sababi doonta inu jidhkaagu nuur ka muuqdo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment