Daraasad Iftiimisay In Dhididka Dadka Uu Daawo U Noqon Karo TB-da

Khubaro cilmi baarayaal ah ayaa tijaabo ay ka sameeyeen dhididka bini’aadamka ku ogaaday in dhididka dadka ay ku jirto maado daawo u ah cudurka faafa ee TB-da iyo cudurada kale ee sambabada gala.

Cilmi baarayaashaan u dhashay dalka Mareykanka ayaa sheegay in maado kiimikeysan oo la yiraahdo Dermcidin oo cusbada jirka dadka ka shaqeysiisa, kana hor hortagto unugyada il-ma qabatada ah ee jirka bini’aadamka dhibaatada u keenaya, taasoo daawo u ah cudurka TB-da.

Bakteeriyada dhalisa cudurka TB-da iyo kuwa la midka ah ee sambabada ku dhaca ayaa si rasmi ah loogu daweyn doonaa mustaqbalka, iyadoo Cilmi baarayaashaan ay rajeynayaan in daawadan cusub la hormariyo si loo xakameeyo fidista cudurka TB-da iyo cudurada kale ee ku dhaca sambabada.

“Waxaannu imminka ogaannay macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dabiici ahaan sida daawadani u shaqaynayso, tanna waxaannu u isticmaali doonana inaannu horumarinno si loogula dagaallamo caabuqyada dibadda jidhka kaga yimaad, waana mid ka fiican ta warshadaha lagu sameeyo” sidaasi waxaa yiri Dr. Ulrich Zachariae oo ka tirsan Jaamacadda Edinburgh ee dalka Ingiriiska.

Maadada Dermcidin ayaa ku faafto qanjirada bini’aadamka iyadoo ay sahleyso in maqaarkii dhaawacmo si fudud ula dagaalanto bakteeriyada soo gasha jirka, si dhaqso ahna u raysato boogta.
_____________________
Xafiiska Shabakada mybulsha
UK- Leicester united kingdom

Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment