Bulsha:- 1- Bisqinta oo la xiiro:- Bisqintu (Shuunku) waxa weeye timaha kasoo baxa xubnaha taranka rag iyo dumarba dushooda. Bisqinta oo la xiiraa waxay gacan ka geysataa koritaanka xididdada dhiigga qaada xilliga kacsiga. Sidoo kale waxay cambarka ka ilaalisaa dhibaatooyinka dibadda kaga yimaada.
2- Timaha Kilkilaha oo la rifo:- Kilkiluhu waxay soo daayaan ur aan la jecleysan oo ka timaada taranka malaayiin Baktiiriyo ah oo ka dhasha dhididka meeshaa ku uruuraya. Haddaba timaha oo halkaasi laga guraa waxay fududeysaa nadiifinta maqaarka iyo daloollada dhididka.
3- Gudniinka:- Gudniinku waxa weeye in la gooyo Qolfada (Beejada) ku dahaaran dhalfada geedka ninka iyo in waxyar laga jaro Kintirka gabadha.
Gudniinka faa’iidooyiisa waxaa kamid ah:-
Waxa uu ka takhallusaa qoyaanka duxda ah ee ay qolfadu soo deyso loona yaqaan (Baaro), kaasi oo kolka uu bato qurma ayna ka dhalato ur laga yaqyaqsado.
Waxa uu yareeyaa cudurka Kansarka, waxaana la caddeeyey inu cudurkaasi ku badan yahay waddamada aan ragga laga gudin.
Gudniinka carruurtu waxa uu yareeyaa kas la’aan isugu kaadinta habeenkii.
Gudniinku waxa uu yareeyaa Seegaysiga, maxaa yeelay kurayga qolfada lihi waa uu ku cayaaraa, tiiyoo keenta in geedkii caroodo oo kacsi cirka iskula shareero, dabeetana suu u maraanmarayo una macaansanayo biyihii ka yimaadaan, sidaana seegaysiga ku caadeysto.
Ragga la guday muddada galmadoodu waa ay ka dheer tahay kuwa lamidka ah balse aan la gudin, waana ay kaga fiican yihiin raaxaysiga iyo u raaxaynta dumarkooda.
Gabadha oo sidaan soo sheegnay loo gudaa, waxa ay ka dejisaa kacsiga faraha badan, kuna dhalisaa dhowrsanaan iyo inay ninkeeda ku koobnaato, isaga laftiisana aanay dusha ka saarin wax aan tabartiis ahayn.

5- Qubayska:- Qubaysku waxa weeye waajib mar kasta ooy galmo dhacdo. Galmada qubayska waajibisaa khasab ma aha inay noqoto mid dhammaystiran, oo mar haddii inta gudan ee geedka ninku (dhalfadu) ay gasho gudaha cambarka, ha biyabbaxo ama yaanu biyabbixine, qubays baa isaga iyo xaaskiisa labadaba ku waajibay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment