Bulsha:- Sida aan la socono dhacdo walba xili ayay timadaa oo ay qofka soo food sartaa murugo walbana maalin ayay xalkeeda timadaa ladan xaaji cilmi waa dhibane nolol farxad aanan laheen ku dhex nool xili walbana iska oyso fakar iyo ciil meel la fadhiisato dhibka ku dhacay ayay ka waramesaa waxay ku bilaabtay sidaan .
Asc wr wbr magaceega waxaa layiradaa Ladan Xaaji Cilmi waxaan ku suganahay dalka canada hal gabar ayaa ii joogto waxaan jecleestay arin si qaas ah ii heesato in aan idiin sheeko waxaad igu talisaan oo aad ii shegtaan sida nolasheyda ay wax weyn ugu badali laheed sanadkii 2012 bishii kowaad ayaan is guursanay xaaji geega Moxamed farxad iyo xariir jacel oo xili dheer aan soo wada wadnay kamacdina guur inoo horseeday .
Ha yeshee Dhibka xiligaan i heesto ayaa waxuu yahay in aanan niyad u heenin gabadheeda muuno moxamed iyo xajigeega moxamed mararka qaar waxaan ku fakraa in aan dib iskaaga laabto guriga familkega oo aan ka soo tago gabadheeda iyo xajigeega waayo niyad uma haayo wax dhib ah ama xumaan ah oo ay ii dhibeen muno iyo moxamed majiro wax xumaan ah uu ii geestay xajigaaga lakin waxaanba iska donayaa in aan iskaaga laabto familkeega .
Waligega qof wax uma dhibin qofkii wax iidhibana waan iska cafin jiray waayo qof dulqaad badan ayuu alle iga dhigay oo iska maskiin ah bulshada way igu yaredaan ladan miskiin oo ay ukajedaan in aanan iska ahay qof dulqaad leh dadkana wax u geesan lakin nolosha gurigeega oo idil ayaan soocanay oo la igu diray mana aqaan waxa sabab u ah dhibkaan i heesto oo igu diraayo gurigeega iyo gabadheeda iyo xajigeega aan mudada badan is jecleen.
Talo waatii alle dadaalna waa midii alle uu ina faray Ladan walal waxaad ku dadashaa in aadan ku deg degin gurigaaga in aad si fudud ku bur buriso marna haka tagin gabadhaada waa mid beri ka maalin wax ku tari doonto ninkaagana hadii uusan waxba kuu dhibin ee ku jacel yahay adigana aad jaceshahay waa in aad isku samirtaan oo aad u samirtaa .
Mida kale isha bini aadanka waa mid aad u xun xanuun ka xun dunida majiro ku dadaal in aad qur aanka kariimka ah habeen iyo maalin uu ka shidnaado gurigaaga gaar ahaan qolka aad seexa neeso iyo halka fadhigaaga uu ku badan yahay ku dadaal xili walba saliga nabigeena maalnkii labo kun ama sidex kun haka yareen hadii aad ka badin karto ka badi salaad walbana xiligeeda ku duko 5 salaad ee waajibka ah ka ilaali wax qalo ah oo dhan .
Ugu danbeeyntii waxa muhiim ah inaad ku dadaasha caruur yar yar oo awoono ah 4 qof ama 2 qof in aad si kadis ah ugu farxiso waxii aad awoodo siiso dhinaca kale jawiga waad badalan kartaa waalid kaaga waad aadi kartaa lakin gabadhaada hore u siiwado nin kaagana oo raali kaaga ah kuna faraxsan in aad waalid kaaga dhoor maalmood lasoo joogta in aad ka soo tagto lakin xili walba ku dadaal in aad alle bariso xaajigaaga iyo gabadhaada in alle idin kala kaxeen gurigaaga jacelka wanaagsan aad ku dhisteena uusan idinka bur burin Dhamaad .
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment