Bulsha:- Qodobado sir ah ayay kuu haysaa wacdaraha.com waxaana qodobadan ay yihiin kuwo kuu sahlaya in jaceyl aad ka xadid gabadha xoogaa kuugu adkeesa ee aan ku jecleen.
1- Si kedis ah teleefoonka uga wac, xitaa hadii ay noqoto in aadan war badan u heyn
oo aad dooneyso in aad xaalada ka wareysato oo kaliya,
waxey niyada gashan doontaa in aad tahay ruux ka fikiraya oo niyada ku haya.
waana albaabka koowaad ee loo maro qalbiga jilicsan ee haweenka.
2- Marka aad aragto, Hab sii, waxey dareemi doontaa in ay agtaada qaali ka tahay.
3- Hees ay jeceshahay oo aad xaqiiqsatay ka dhigo mid aad marwalba qaadid,
dumarku badanaa waxey door bidaan waxa ay jecelyihiin in lala jeclaado.
4- Kaba soo qaad roob ayaa soo da’day ama qabowga ayaa soo batay!
waa in aad jaakadaada aad u siibtaa, xitaa hadii ay diido ku qasab,
waa mid ka mid furayaasha ugu qiimaha badan ee lagu muujiyo jaceylka aad u qabto.
5- Ayada oo aan ka warqabin, jaakadkeeda jeebkiisa waxaad u gelisaa warqad aad ku qortay
erayo Romantic ah sida (Waan ku jeclahay) ama (Nolosheyda ayaad tahay)
6- Usoo bandhig in aad u qabatid boorsada ay wadato, hadii aad dareento in ay u baaahantahay.
7- Ka qosli ilaa ay ka Oyso..! qodobkani waa mid aad u muhiim ah, maxaa yeelay
haweenku waxa ay aad u jecelyihiin wiilka ama ninka ka qosliya,
maxaa yeela dumarka ayaa dabcigoodu ku dhisan yahay jaceylka kaftanka iyo qosolka.
8- Waxaad u sheegtaa in ay tahay qof dhameys tiran oo aan meelna ka xumey,
xitaa hadii aad ogtahay in ay jiraan meelo ay ku xuntahay ama aysan ku jirin jawi wanaagsan,
9- Noqo ruux markasta difaaca, oo ay isku haleyn karto, naaguhu waxey jecel yihin
nin ay isku haleyn karaan hadii uu noqdo seygooda,
isla markaana ay amaan dareento marka ay la joogto.
10- Noqo ruux u heelan marka ay u baahantahay caawinaad,
sidoo kale noqo ruux waqti iyo qalbi furan u haya
xiliga ay dhibaateysan tahay, iskuna day in aad dhegeysato oo aad la qiirooto,
ogowna xiligaas oo kale kaagama baahno talo, ee waxey kaaga baahantahay dhege
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment