Arrinta Ugu Weyn Ee Dumarku Soomaalidu Ka Xishoodaan Inay Ka Dalbadaan Raggooda Maalmaha Malabka

Bulsha:- Marka gabar la guursado, oo lagu wargeliyo xiliga la guri geynayo, marna wey faraxdaa marna wey murugootaa, farxadeedu waa in ay nolosha kalinimo ka baxdey lamaane bog cusub nolosheeda u furana ay heshay (waa hadii jaceyl iyo raali ahaansho ay ku guursatey).

Mar kalase wey murugootaa oo waxey ka welweshaa waxa ay kala kulmi doonto nin aaney weligeed sariir la seexan, oo dhowr maalmood uun ay bini aadimka ka dhex baratey, wax u qarsoon iyo siduu noqon doonana allah oo kaliya ogyahay.

Hadaba welwelkaas, iyo kala waabashada beryaha hore ee labada aroos isku cusub yihiin waxaa jira waxyaabo muhiim ah oo dumarku ay jeclaan lahaayeen in raggooda weydiiyaan, balse ay aad uga xishoodaan ayagoo nolosha nuucan ah ku cusub awgeed, ayna ka baqayaan in ay jawaab lama filaan ah kala kulmaan hadii ay dalbadaan waxa ay niyada ku hayaan habeenada la isku cusub yahay ee loo yaqaan bisha malabka (Honey Moon).

Hadaba dumarka Soomaalidu maxey maanka ku hayaan habeenadaas, balse ay raggooda kala xishoodaan in ay weydiistaan..?

Arinta ugu badan ugu daran ee ay dumarku jecel yihiin maalmaha malabka ayaa ah MASRUUF (LACAG)

Sababtoo ah waxa ay gabadhu dooneysaa in ay waalidkeed iyo walaalaheed mar mar soo booqato ama iyagu soo booqdaan, isla markaasna qof walba ay gudoonsiiso hadiyad qaali ah, ayadoo muujineysa in ninka ay guursatey ay ku faa’iiday uuna yahay nin saqi ah, oo si fiican u daryeela iyada iyo ehelkeedaba.

Hadaba gabadhu maalmaha malabka ee la isku cusub yahay waxey rabtaa qarash ka badan mid ay rabi laheyd bilooyinka caadiga ah, balse arinta in laga digtoonaado u baahan ayaa ah in gabdhuhu aad u xishoodaan marxalada nuucaan ah, ayagoo ka cabsi qaba in ay weydiisashada ay ninka wax weydiinayaan maalmaha koowaad ay ka tarjumeyso tuugsi soo deg degay, waxa ayna gabadhu ka warsugtaa in ninkeedu u garto waxa ay jeclaan laheyd inay hadiyado iyo casuumaad ka dhigto.

Dhanka kale nimanka ayaa badankood gaar ahan kuwa aan guur soo marin waxa ay marxalada nuucaan ah iyaguna iska indha tiraan ahmiyada xaaska ayagoon qarash sidaas u badan siinin gabadha, maadaama ay isleeyihiin waa aroosad cusub oo banaanka uma baxeyso umana baahna inay kusoo adeegato qarash ka badan midka caadiga ah.

FG: Waxaa jiri kara arimo kale oo badan oo habeenada arooska ay dumarku kala xishoodaan in ay raggooda ka dalbadaan, balse wareysi ay qurbo.net la yeelatay haween badan oo qibrad u leh arimahan ayey qodobkan ugu xulatay inuu yahay qodobka ugu badan una baahan in la fahmo ee dumarki la wareystay isku raaceen.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment