5 Arimood oo uu ugu Naceb yahay Qofka jaceylka dara uu Haayo.

Bulsha:- Dadka arrimaha jacaylka ka faalooda ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo qofka jacaylku ku dhacay neceb yahay isla markaana aanu cidii kula talisa ka qaadan, lagana yaabo inuu nacayb u qaado.

Shan arrimood oo lagu soo ururiyay ayaa waxa ka mid ah. In qofku cidda uu jecel yahay ee ay kaga dhegan tahay dhaliilo laga sheegi karin, waxaanu cid kasta oo uu hadalo ama ficilo noocaas ah ka maqlo uu u qaadaa colaad.

Waxa kale oo uu qofka jacaylku hayaa neceb yahay, dhex galka dadka oo wuxuu noqdaa mid bulshada ka go’ xaaladan ayaa la sheegaa inay tahay mid qofku ku jeclaysanayo inuu wakhti badan kaga fikiro ruuxa uu jecel yahay waxaanay ku keentaa inuu gooni joog noqdo, sidoo kale wuxuu karaahiyaystaa sheekada badan ee uu bulshada la yeelan lahaa.

Arrinta saddexaad ayaa ah inuu aad u hiifo hawlaha loo diro xilliyada uu rajaynayo in qofka uu jecel yahay laga yaabo inay is arki karaan. Arrimaha kale ee uu ka xumaado qofka jacaylku hayo waxa ka mid ah, dhibaato ku timaada meelaha uu xidhiidhka kala sameeyo cida uu jantay sida telefoonada, internet-ka ama xidhiidhka boostada haddii uu isticmaalo.

Marka uu joogo meel uu ku sugayo cida rajadiisu ku xidhan tahay ma aqbali karo in wax arrin ah ama hawl ahi la soo gudboonaato, sidoo kale wuxuu qofku nacaa shaqada badan, wax dhigashada badan iyo hurdada badan intaba.

Cuntadu ma noqoto mid uu qofku jeclaysto cunisteeda oo amateed xumo ayuu dareemaa haddii lagu celceliyana wuu necbaystaa.

Dhinaca talada waalidka iyo dadka ka waaweyn uma arko xal wuxuuna dareema cadaadis badan, waxyaabaha jacaylkiisu ka dalbado cid kasta oo uu isagu uga sii baahdo kama ogolaan karo xitaa dib u dhac inuu ku yimaado.

Waxaanu qofka jaceylka la dhibbani uu si daacad ah ugu dhaqmaa murtida tiraahda ”nin ay meeli u caddahay, meeli ka madow”









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment