Bulsha:- Aktarada Preity Zinta, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka xanta ah ee maalmahaan laysla dhexmarayay ee ku saabsan Guurkeeda iyo xiliga uu dhacayo.
Preity waxay sheegtay ineey ku wareertay wararka been abuurka ah ee ay Warbaahinta ka warinayaan Guurkeeda.
“Wararka been abuurka ah ee Guurkeyga ku saabsan waa kuwo ay warbaahinta qaar Xayeeysiin ku sameeysanayaan” ayay tiri Preity.
Warar maalmahaan soo baxayay, ayaa sheegayay in Preity iyo gacaliyaheeda u dhashay Mareeykanka ee lagu magacaabo beau Gene Goodenough, ay aqal geli doonaan 14 February ee bishan oo ku beegan maalinka loo yaqaan (Valentine Day).
Aktarada ayaa warbaahinta qaar ku eedeysay ineey ka faafiyaan warar been abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment