Ninkii xaaskiisa sidaan u sameeya waa hubaal in ay lakulankiisa xiiso u qaadi doonto

Bulsha:- Ragga qaarkii ayaa u haysta in ka qoslinta iyo farxad gilinta haweenkooda tahay arin adag ama mustaxiil ah ee ninyahoow ogoow arimo yar ayaa farxadda haweeneyda kor u qaadaya, waa muhiim in aad tijaabiso liiskaas waana hubaal in aan dareemi doontid is bedel .

1- Marka ay dood idin dhexeyso oo aad dareento in wajigaeeda wel wel soo saarmay ninyahoow ha iska taagnaan u dhawaaw oo madaxa ka dhunko.

2- Marka aad banaanka u wada baxeysaan oo aad dareento in is diyaarinta dhibka ku tahay oo ay ku daahday adiga u diyaari labiskeeda .

3- 3-Mar waliba oo aad fursad u hesho waxaad u keentaa hadiyad , munaasabad iyo bilaa munaasabad .

4- Markaa ay jiifaneyso adna xoogaa aad ka dambeyneyso fariin qoaraleed ugu sii dir telka adiga oo u rajeynaya in ay nabad ku soo toosto .

5- Marka ay shaqada guriga ku

mashquulsan tahay , u soo deg deg oo xabad gili taasina waxa ay muujineysa in aad uga mahad celineysid dadaalka ay bixineyso .
6- Marka aad u baxdaan kulan qoyskeeda ama kaaga ah oo ay kaaga mashquusho la sheekeysiga dhanka kale kaga yaabi SMS gaaban oo aad ugu sheegeyso in aad weysan tahay , kuna dheh daqiiqadaha aad iga sii jeeday waxa ay iila mid tahay sanad.
7- U Muuji in aad ku faraxsan tahay maxaa yeelay waxa ay kuu doortay nin .

8- Maalin maalin kaga yaabi in aad quraacda adiga diyaarisid , markaa aad u keeneysidna haka tagin dhoola cadeynta loo baahan yahay .

9-Haddii aad ku qasbanaanto in aad shaqada aado iyada oo hurdeysa u soo dir markaa aad shaqada gaarto SMS aad ku leedahay subax wanaagsan waan ku xiisay .

9- Ku dheh waad qurxoon tahay xitaa haddii aysan xerneyn dhar qurxoon , ogoow uma baahnid munaasabad gaar ah oo aad ku tiraahdo waad qurxoon tahay.

10- Haddii ay murageysan tahay gacmaha ka qabo una sheeg in arinta wanaag ku dhamaaneyso kullamaa aad wada joogtaan .
11- Haddii aad asxaabtiin aad la joogtaan ama qoyskaada aa keeda alcarabiya.com waxa ay ku leedahay haka laba labeyn in aad u sheegto tilmaamaheeda wanaagsan ama fal wanagsan oo qalbigeeda giliyay jaceylkeeda oo aadan waligaa iloobi doonin.

12- Haddii ay dhacdo in goobta shaqada ku soo daahdo maalintaas u soo dir fariin kuna dheh wan ku xumahy maxaa yeelay kulama joogi , waxaan rajeynayaa in daqiiqadaha soo socda kula joogo , waa i dhibeysaa maqnaashaahada .

13- Haddi ay dhacdo in ay ooyso si wacan u fiiri ka dib ku dheh waad qurxoon tahay markaa aad ooyneyso , balse waxaad ka sii qurux badan tahay marka aad doola cadeyneyso .








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment