Bulsha:- Anagoo horay idiin kaga balan qaadanay in aan asbuuciiba idin so gudbino xikmado jacay ayaa waxa aa maanta halkan ku soo qaadan doonaa 10 qodob oo ka turjumaya jacaylka u dhexeeya lamaanah kala fog. Hadaba waa kuwan ee ka faaideyso.
1. Nolasheyda dhan in aan ku daawado ayaan doonayaa, waxaan doonayaa in aan bogeyga kugu haaysto habeenkii oo idil. Marka aad dhaqaaqeyso talaabo welba oo aad qaado ayay indhahaygu doonayaan in ay ku doogsadaan. laakiin taasi iima suurto galeyso maxaa yeelay waqtigaa ina kala fogeeyay xubi.
2. Kala fogaanshaha aan kala fognahay makala qeybin karto wadnayasheena ku midoobay jaceyl dhaba ah, hadii ay noo dhaxeeyaan malyuumaad kiiloo mitir xasuusteena ayaa hal seken kuso gooyn oo xili walbana xusuusteena wada joogta oo jirkeena uun baa kala fog qalbi.
3. Qalbi duufaanada ayaan kuugu soodhiibaa shumis iyo fariimo culus oo ka turjumaya xinjiraha wadnaheyga uu ku shaqeeyo, waqtiga xigana biriqda roobka ayaan kuugu soo dhiibi doonaa nafteyda.
4. Waan ogahay, ma imaan karo halkaad joogto, dhib maleh waan ku sugayaa caawa, waana ku duceysanaya markan indhaha xero in aan riyada ku kulano oo aan nafta ku wadaagno.
5. Kumanaan miles ayaa noo dhaxeeyo, hadana ma kala maqnin xubi, waayo qalbiyadeena ayaa mideeysan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment